Ururka UMMADDA oo ku eedeeyey Xukuumadda inay dhaqaale u adeegsanayso burburinta ururkooda
Hargeysa 15, October 2012 (SDN)- Hoggaanka urur-siyaasadeedka UMMADDA, ayaa ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay ku hayso farogelin iyo dhaqaale ay u adeegsanayso burburinta ururkooda.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee uruka Umadda Mr. Cabdirashiid Maxamuud Cali oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay xarunta ururkiisa ee magaalada Hargeysa, waxa uu tilmaamay in iscasilaaddii guddoomiye-ku-xigeenkii 3aad oo ku biiray xisbul-xaakimka KULMIYE inay ka dambaysay farogelin xukuumaddu ku samaysay.
“Waxa jiray in xubin ka tirsan ururka UMMADDA uu shaaciyey inuu ka baxday amma iska casilay xilkii uu ka hayey. Markaa annagu urur ahaan hore ayaannu bulshada ugu sheegnay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dagaal kula jirto ururka UMMADDA, isla markaana noqday dhabbihii shaqada lagu helayey. Muwaaddiniinta aqoonta leh ee dalka u dhashay ee aan shaqada haysan ee ku soo biira urur-siyaasadeedka UMMADDA ayaa hantida bulshada iyo awoodda qaranka loogu talogalay waxa loo adeegsanayaa si loo baabiyo urur-siyaasadeedka UMMADDA, weliba iyadoo dhaqaale la isticmaalayo. Annaga waxtar bay noo tahay in xukuumadda shaqo lagaga helo ururka UMMADDA ayaad ka tirasayd amma wasiirnimo lagu siiyo, dhinacna waxay tahay caddaallad-darro iyo ku tagrifal hadntida iyo awoodda dawladda in loo adeegsado burburinta ururrada siyaasadda. Waxa wanaagsan in xukuumaddu ka waantawdo falalka noocaas ah ee ay ku dhaqmayso,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee ururka UMMADDA.
Xigasho: Jamhuuriya