|

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka hadlay haayado warbaahineed oo Xukuumada Xayirtay

Hargeysa 26,March,2016(SDN/QJ):-Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA isagoo dabaqaya Xeerka Saxaafadda Somaliland Xeer No:27/2004 qoddobadiisa 6 iyo 7aad oo si cad u qeexaya xaqa muwaadiniitu ku heli karaan ruqsad warbaahineed, islamarkaana ay ku cadahay dariiqa ay u marayaan shuruudaha looga baahanyahay, waxa uu arkaa caqabado badan oo ka taagan inay dadweynuhu nidaamkaasi maraan, kadib markii ay wasaaradda warfaafinta iyo xeer ilaalintu si toos ah iyo si ded banba u xayireen xuquuqda ruqsad helida furashada Hay’addo warbaahineed.

solja111Ururka SOLJA waxauu u arkaa xayiraada la saaray Wargeysyada kala ah Hubsad, Xog-ogaal, iyo CodkaShacabka oo ah sadex wargeys oo ruqsado sharci ah haysta balse dadkii ruqsadahaas lahaa ay siiyeen ama ka iibiyeen Suxufiyiin kale oo laga hor istaagay in ay Ruqsado helaan, ka dib markii wasaaradda warfaafinta iyo Xeerilaalinta guud hakiyeen si toos ah iyo sided banba Ruqsad bixinta Hay’addaha Warbaahinta ee cusub. Xukuumadda waxaaan kacodsanaynaa in ay dib ugu diiwaangeliso, islamarkaana mulkiyada Wargeysayadaasi ku wareejiso Suxufiyiinta laga xayiray.

SOLJA waxay u aragtaa wasaaraddaWarfaafinta oo ah Hay’adda maamusha Saxaafadda nidaamyadeeda kala duwan in aanay lahayn nidaam cad oo loo raaco xafiisyadii loo mari lahaa shuruuddaha diiwaangalinta, taasi-na ay sababtay in xukuumaddu ay uga danleedahay inay Ruqsada u bixiso si aan toos ahayn oo ay siiso cidii ay u aragto dan.

SOLJA waxay xukuumadda Somaliland hore uga codsatay in arrintaas dib loo eego ama dacwadaha lagu soo oogay ay xukuumaddu si toos ah u wado si looga garnaqo islamarkaana go’aan looga gaadho, maadaama ay saxaafaddu xaq u leedahay labada dariiq in midkood loo maro xayiraada saaran wargeysyadaasi.

Dhinaca kale, Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa Suxufiyiinta Somaliland ee doonaya inay furtaan ama la wareegaan hay’addo warbaahineed inay u maraan nidaamka sharciga ah ee uu jidaynayo Xeerka Saxaafadda, kaasoo si cad u bayaaminaya helitaanka, wax ka bedelka iyo wax ku kordhinta hay’ad warbaahinta.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa suxufiyiinta kula talinayaan in ay joojiyaan baraha bulshada ee ay gaarka u leeyihiin inay ku baahiyaan dacaayadaha wax u dhimaya magacooda iyo ka saaxafaddaba, maadama oo aanu saxafigu la mid ahayn bulshada kale ee shaqsiga u istimaala baraha bulshada, kaa soo kumutaysan kara Ciqaab. Arrintaas cabashooyinka iyo Dacwadaha kasoo gaadhaya ururka ay aad u soo kordhayso islamarkaana aad moodo Weriyayaashu inaanay ku baraarugsanayn dhibaatadda ay u keenayso arrintani.

MaxamuudCabdiJaamac

GuddoomiyahaUrurkaSuxufiyiinta Somaliland SOLJA

Comments are closed