|

Ururka Suxufiyiinta Solja oo Magaaladda Burco Tababarro uga Furay in ka Badan 50 Suxufi

Burco 04 Oct  2015 (SDN/QJ):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,  ayaa tababarro  socon doona muddo saddex maalmood ah ugu qabtay hudheelka City Plaza magaalada Burco, xarunta Gobolka Togdheer in ka badan 50 suxufi oo kala yimi gobollada bari ee dalka shalay.

 

Furitaankii tababarka oo ka qaybgalayaashu ku baran doonaan duruus la xidhiidha sharuuucda saxaafadda iyo mabaadii’da aasaaska u ah xorriyatal-qawlka iyo weliba doorka warbaahintu ka qaadato hannaanka doorashooyinka waxa ka qaybgalay maamulka gobolka, hoggaanka SOLJA iyo masuul kala duwan.

 

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA Mr.  Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),  ayaa ka hadlay doorka saxaafadda Somaliland ka qaadato xorriyad-qawlka, waxaannu tibaaxay mabaadii’da ururkiisu u abuuran yahay inay kow ka tahay sugidda xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda, sidaa darteedna bahda saxaafadda looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa wararka iyo xaqa dadweynuhu u leeyihiin inay afkaartooda si cad oo sharci ah u dhiibtaan.

 

Guddoomiye Xuuto waxa uu u iftiimiyey in  SOLJA xoogga saaray kobcinta aqoonta iyo tayada  suxufiyiinta, si suxufiga loola  xisaabtami karo, “Waayo,” ayuu yidhi; “suxufigu markaannu aqoon lahayn  lalama  xisaabtami karo, taasina waa  ta keentay in tababarro kala duwan  gobollada  ugu qabanno  suxufiyiinta.”

 

“Tababarrada aannu ka furnay Burco waa laba tababar oo kala ah mid ku saabsaan sharuuucda saxaafadda iyomabaadii’da aasaaska u ah xorriyatal-qawlka iyo mid ku la xidhiidha doorka saxaafadu ka qaadato hannaanka doorashooyinka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Guddoomiyaha SOLJA.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka   SOLJA Mr.Kayse Axmed Digaale oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ka qaybgalayaasha tababarku ka kala yimaaddeen gobollada Daadmadheedh, Togdheer, Buuhoodle iyo Saraar ee bariga dalka Somaliland.

 

“Ururka SOLJA waxa uu u taagan yahay difaaca, ilaalinta iyo kor-u qaadista aqoonta suxufiyiinta, waxaanan si gaar ah ugu mahad-celinayaa weriyeyaasha ka yimi magaalada Buuhoodle oo ah markii u horreysay ee la siiyo tababar saxaafadeed, sidaa darteed waxaan suxufiyiinta ku adkaynayaa inay ka faa’iidaystaan duruusta tababarka oo ku dabbaqaan shaqadooda,” ayuu yidhi Kayse Axmed Digaale.

 

Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Togdheer Mr. Maxamed Diiriye Xayd, ayaa soo dhaweeyay tababarkan, una mahad-celiyay ururka SOLJA, “Tababarkan SOLJA u qabtay suxufiyiinta aad baan u soo dhaweynayaa, waxaanan filayaa in aqoon badan ka korodhsan doonaan oo aanay cid ku gefi doonin, annaguna waxaannu ballanqaadaynaa inaan gef loo geysan karin bahda saxaafadda,” ayuu yidhi Mr. Xayd.

 

Suxufiga ruug-caddaaga ee Yoonis Cali Nuur oo ka mid ah macallimiinta hagaya tababarradan, ayaa ku tilmaamay suxufiga aan aqoonta lahayn la mid yahay dhakhtar aan aqoon lahayn, sidaa awgeedna geysan karo dhibaato badan, waxaannu ku guubaabiyey ka qaybgalayaasha inay markasta ku dedaalaan sidii ay aqoontooda saxaafadda u sii korodhsan lahaayeen.

 

Tababaradan midkood waxa maalgalinaysa hay’adda SIDA oo dhaqaalaha soo marisay ururrada FORUMSYD, SLRF (Somaliland National Association in Sweden) iyo SONSAF, kuwaasoo qayb ka ah mashruuc saddex sanno socinaya oo SOLJA ka fulinayo Somaliland, halka ka labaadna   ay maalgalisay safaaradda Maraykanka ee Nairobi, kaas oo warfidiyeennada lagu barayo aqoon ku saabsan kaalinta saxaafaddu ku leedahay hannaanka doorashooyinka (Orientation Workshop on the Role of Media on electoral Process).

 

Ururka SOLJA ayaa dadaal ballaadhan ugu jira sidii suxufiyiinta Somaliland kor loogu qaadi lahaa tayada aqoontooda.

 

Comments are closed