|

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP oo Doortay Hogaan Cusub

Garowe 05.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa Garoowe ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku xgeen iyo xog-haye guud oo hoggaamin doona ururka.

Faysal-2-300x200Doorashada hoggaanka ururka MAP ee maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa lagu doortay: 1- Faysal Khaliif Barre oo ah guddoomiye, 2- Maxamed Maxamuud Xaaji, guddoomiye ku xigeen,  iyo 3- Faadumo Maxamed Maxamuud oo loo doortay xog-hayn guud.

Mas’uuliyiinta la doortay ayaa dhammaantood xubno ka ah ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP.

Saddexda xil ayaa waxaa u tartamay in kabadan 10 xubnood oo ka tirsan ururka, waxaana u codaynayey 60 xubnood oo iyaguna xubno ka ah isla ururka  ay ku midaysan yihiin suxufiyiinta ka howl-gala Puntland ee MAP.

Guddoomiyaha cusub ee ururka, Faysal Khaliif Barre oo ah wariye ruug caddaa ah oo ka soo shaqeeyey hay’ado kala duwan oo warbaahineed, haddana ah wakiilka Bar-kulan ee Puntland ayaa wareeggii ugu dambeeyey  45 cod uga guulaystey Axmed Jookar oo helay codadka 15 xubnood oo ka tirsan 60-ka wariye ee ka codaynayey doorashada.

Xubnaha la doortay maanta ayaa hoggaanka ururka  MAP hayn doona saddexda sannadood ee soo socota.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed