Ururka Suxufiyiinta Punt land ee Map Oo Si Adag uga Hadashay Xadhiga Wariye Deperani,Wasiir uu Waraystay oo Saluugay Waraysigiisii DAAWO/DHAGAYSO
Garowe 20 Nov 2015 (SDN/QJ):- Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa ka hadlay xadhig Maalintii Shalay Garowe loogu gaystay wariyaha Somalichannel ee Garowe, Jaamac Yuusuf Jaamac (Deperani).
Shir jaraa’id uu qabtay Gudoomiyaha MAP Mudane Faysal Khaliif Barre oo ay garab taagnaayeen inta badan wariyaasha Gobalka ka howlgala, ayaa sharci daro ku tilmaamayay xariga Deperani wuxuna sheegay inaysan arrimaha noocaas oo kale aysan raali ka noqon doonin.
Barre ayaa sheegay inay tahay falalka uu ku kacayo wasiirka warfaafinta Puntland mid aan meelna ka waafaqsanayn sharciga dalka taasina aanan loogu dul-qaadan karin, wuxuna ku baaqay in dib xorriyadiisa loogu soo celiyo wariyahan saacado ka hor saldhiga Garowe lagu xiray.
Qaar ka mid ah wariyaasha shirka jaraa’id joogay ayaa dhankooda tilmaamay inay ka xun yihiin amarka Jaamac lagu diray, waxayna ku tilmaameen tanoo kale aan loo dulqaadan karin oo si degdeg ah loosii daayo.
Wasiirka warfaafinta Maxamuud Xasan Soocadde ayaa horay usoo saaray qoraal uu shaqada uga joojinayo Jaamac Deperani, balse markaasi ayaa waxaa ganafka ku dhuftay MAP iyo wariyihii ay ku socotay, kuna tilmaamay inaysan raali ka noqon karin warqad aysan ku caddeyn sababta in loo hogaan-samo.
Wasiir Soocade ayaa Saluug ka Qaba Waraysi uu Weriyuhu ka qaaday Kaas oo Falcelin togan ku Yeeshay Wasiirka isla markaana dhaliilo loogu soo Jeediyey Qaabka uu Su’aalaha uga jawaabay,Waana kan Waraysigaasi ee Daawasho Wacan.
Ma ahan markii ugu horaysay wariye Soomaali ah lagu xiro Puntland gaar ahaan magalada Garowe, hase yeeshee xarriga wariyaasha ayaa kusoo aadaya xilli xeerka saxaafadda Puntland ay warbaahintu dalbanayso in wax laga badalo.