Ururka Suxufiyiinta Aan Xudduuda Lahayn Oo Ku Eedeeyey Dalka Iran In Ay Cuno-Qabatayn Ku Hayso Saxaafada !
Tehran 13. February 2017 (SDN/QJ):- Ururka Suxufiyiinta aan xudduuda lahayn ayaa ku eedeeyay Dawladda Iran inay cunoqabatayn Ba’an ay ku haysay Saxaafada ka hawl gasha Dalkeeda muddo 38 sano ah.
Waxaanay ku cadeeyeen Bayaan ay soo saareen in Dalka Iran aanay ka jirin xoriyada dhinaca saxaafadu, waxaanay sheegeen in dhibaatada ugu badan ay soo gaadhay suxufiyiinta Dalka Iran wixii ka danbeeyay kacdoonkii ka dhacay Dalkaasi Iran sanadkii 1979kii.
Dhinaca kale xukuumadda Dalka Iran ayaa markii uu bayaankani soo baxay waxay xabsiga u taxaabeen suxufiyiin badan oo ku sugnaa gudaha Dalkaasi, Dalka Iran ayaa waxa uu noqday Dalka shanaad ee ka mid ah dalalka aadka u xidha suxufiyiinta, ururka suxufiyiinta aan xudduuda lahayn ayaa sidoo kale waxay sheegeen in dhibaatooyinka ay la kulmaan suxufiyiinta ka hawl gala dalkaasi ay kala yihiin Dil iyo Ciqaab aad u darran.