Ururka Somaliland Society UK oo Xusaya Maalinta 26ka Juun
London June 09,2012(SDN)- Somaliland Society UK (SSUK) waxuu Dhamaan ogeysiinayaa bulshada Somaliland ee ku dhaqan UK, in ururku qaban doono xuskii 26 June 2012ka, Xuskan oo loo soo abaabulay si meeqaan sare ah looguna talagalay in lagu dooriyo ama lagu badalo qaabkii waayadii hore loo qaban jiray xusaska noocan oo kalka ah.
Ururka SSUK asaga oo kaashanaya masuuliyiinta , waxgaradka iyo bulshada Somaliland eek u nool UK, waxa la isla gartay in laga dhigo xafladan casho sharaf (( isla markaasna looga dhex olaleeyo ama uruuriyo macaawimo dhaqaale oo ku wajahan dabdamisyad Somaliland)). Cashadaas oo ay ka soo qeeebgalaan dhamaan dhinacyada bulshada Somaliland ku dhaqan UK.
Ururku wax uu u qaabeeyey qorshaha casho saraftan oo ay ka soo qeyb galidoonaan wasiir ka imanaya Somaliland xildhibaano iyo marti sharaf kale oo badani sidan hoos ku xusan:
1. 20 xubnood oo marti sharaf ah kana kooban saaxiibada Somaliland iyo inta ku hawlan hawlaha siyaasadeed ee Somaliland,
2. 30 xubnood oo ka kala imanaya gobalada Uk matalayana gobaladaas.
3. 10 culumaa’u diinka Somaliland iyo oday dhaqmeeedyada ku dhaqan UK.
4. 10 xubnood oo ka kala socda ururrada Somaliland ee ka hawl gala UK.
5. 20 xubnood oo uga soo qeyb galaya bulshada London.
6. 20 xubnood haweenka gaar loo siiyay gaarna ay u soo dalban doonaan.
7. 10 xubnood oo dhalinyarada gaar loosiiyay gaarna u soo dalban doonaan.
Madashan waxaa waqti loo siin doonaa dhamaan bulshada dhinacyadeedu in ay ku soo gudbiyaan taariikhdii laga bilaabo xornimo doonkii 1960 wixii ka horeeyay in ilaa hadda waayaha is badbadalaayay iyo taariikhaha soo jireenka ahaa.
Madasha waxaa lagu soo la soo bandhigi doonaa:
* Gabayo
* Maansooyin
* Geeraaro
* Iyo sheekooyin ku lug leh taariikhahaas is badabadalayey 1940-2012.
* Madasha waxaa ka reeban dhamaan heesaha iyo qoob ka cayaar dhamaan..
Xusuusin dhamaan bulshada Somaliland eek u dhaqan Uk waxa la xasuusinayaa in aan marna loo dulqaadan doonin sidii hore u dhici jirtay isbarbar carar iyo cid kasta oo isku dayda in ay hakiso wada jirka iyo midnimada bulshada reer Somaliland eek u dhaqan UK..
Wixii tafaasiil ah ama soo dalbasho martiqaadka waxa aad kala soo xidhiidhi doontaan:
Xafiiska SSUK London
Tel: 02034900163
Gudoomiyaha SSUK mudane Abdale Salim: 07944455103
Afhayeenka SSUK Marwo ILhan Xusseen; 07883440314
emailka ku soo hagaaji dalbashadaada fadlan: ssuk_somalilnd@live.co.uk
Mahad Rabi baa iska leh dhamaanteed.
SDN-London