|

Ururka SOLJA oo Siyaasiyiinta Somaliland Ku eedeysay Tacaddiyada ka dhanka ah Saxaafadda & Dareenka Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, 20 December, 2015-(SDN/QJ):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Siyaasiyiinta kala duwan ee Dalka ku eedeeyay inay door ku leeyihiin Tacadiyada ku dhaca Saxaafadda.

Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo ka hadlay Xus Shalay Hargeysa loogu sameeyay Saddex Wariye oo Geeriyooday Telefiishanka HCTV, ayaa ku baaqay in Siyaasiyiintu yareeyaan yooyootanka, “…Jamaal-na wuu fadhiyayaaye, Inkasta oo Siyaasiyiintu u hadlaan Saxaafadda (Marka la xidho) oo ay Difaacaan, haddana doorkii ay lahaayeen kama qaataan, taas oo ah inay yareeyaan dhibaatada ka taagan xagga Siyaasadda iyo Yooyootanka.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Hase-yeeshee, Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo Madashaas fadhiyey, ayaa ka dareen celiyey hadalka Guddoomiyaha SOLJA, waxaanu Yidhi, “Waa Run hadalka uu Guddoomiyaha SOLJA yidhi ee ah Saxaafadda waxa carqaladeeya Siyaasiyiinta, waa runtaa oo Siyaasiyiintu way idin caraqaladeeyaan, mararka qaarkoodna kuwooda awoodda lihi way idin xidhaanba. Laakiin, marmarka qaarkood Saxaafaddii aad u hiilinaysay baa adiga oo Mucaarad ah ku hagar-daamaynaya.”

Comments are closed