Ururka SOLJA Oo Ka Hadlay Xadhiga Iyo Ugaadhsiga Suxufiyiinta Berbera Xukuumaddana Baaq U Diray
Hargeysa,26sep,2015(QJ/SDN)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka qayliyey talaabada xukumaddu ku xidhay Wariye Maxamed C/laahi Soofadhiiste, islamarkaana ku baadigoobayso wariyeyaal kale oo loo haysto war ay bulshada u baahiyeen. Waxa uu sidoo kale ururku saxaafadda ku booriyay baadhista iyo soo bandhigista xogaha rasmiga ah ee ku saabsan heshiisyada xukumaddu gasho ee bulshada laga qarinayo. Warsaxaafadeed Ururku soo saaray oo nuqul ka mid ahi warbaahinta Somalilandpost soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:-
WAR-SAXAAFADEED
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si adag uga soo horjeeda xadhiga wariye Maxamed C/laahi Soo-fadhiiste oo muddo sadex cisho ah magaaladda Berbera ugu xidhan xukuumadda Somaliland, kaasoo ciidamadda Booliisku qabteen kadib markii uu Telefishanka Somalicable ka sii daayey war ku saabsanaa dadweynaha Reer Berbera oo salaadii Ciidal Adxa ku foodhyey wasiiro ka tirsan xukuumadda oo damcay inay qudbad ka jeediyaan fagaarihii salaada lagu tukanayey ka hor intii aan salaada Ciida la tukan. Sidoo kale, Ururka SOLJA waxa uu xad-gudub u arkaa talaabada ay Booliisku ku ugaadhsanayaan wariyayaasha kala ah Axmed Siciid oo ka shaqeeya Telefishanka Kalsan, Mubaarak Nirig oo ka hawl-gala Star Tv iyo C/raxmaan Maxamed Cige oo isna ka tirsan Telefishanka Star, kuwaasoo sida wararka naga soo gaadhaya ciidamada Booliisku guryahooda baadheen, hase yeeshee ka cararay magaaladda. Ururka SOLJA waxa uu u arkaa xadhiga iyo Ugaadhsiga wariyayaasha Gobolka Saaxil gaar ahaan magaaladda Berbera oo ka dhashay khilaafka ka taagan wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera oo la ogaa gacan ka hadalkii ka dhacay Golaha wakiiladda ee ay isku farasaareen Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Ku-xigeenkiisa, isla markaana ay laaleen Mudanayaasha Golahaasi in uu yahay mid ay wasiiradda ka soo jeeda Gobolka Saaxil ku doonayaan inay wariyayaasha kaga hor istaageen inay xogaha ku gedaaman bulshada u bandhigaan.