Ururka Solja Oo Hambalyo U Diray Suxufiyiinta, Islamarkaana Tallooyina U Soo Jeediyey Xukuumadda
Hargaysa, 04.May 2016 (SDN/QJ):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa hambalyo u diray suxufiyiinta, xuska maalinta madaxbannaanida saxaafada caalamka ee 3may awgeed oo guud ahaan dunida looga dabaal dagayo, iyo suxufiyiinta dunidu ku kala sugan yihiin duruufo kala duwan.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa soo saaray war-saxaafadeed, waxaanu u dhignaa sidan “waxa maanta oo ah 3-May-2016-ka oo ku beegan xuska maalinta Madax bannaanida Saxaafadda Caalamka Hambalyo u dirayaa dhamaan Suxufiyiinta ku nool daafaha dunida, anagoo la qaybsanayna dhibaatada iyo Farxadda ay la nool yihiin ee ay leedahay Mihnada ay gacanta ku hayaan”.
Ururka SOLJA, waxa uu sidoo kale Hambalyaynayaa Suxufiyiinta Somaliland ee muddada Rubuc Qarniga ah usoo dhabar adaygayey Halganka ay ugu jiraan Madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay si xor ah u tabiyaan macluumaadka kala duwan ee ay bulshada u hayaan.
Ururka SOLJA waxa uu ku Hambalyaynayaa dhamaan Saxaafadda Somaliland sida hagar la’aanta ah ee ay ugu shaqeeyaan Qarankooda, isla markaana uga qayb qaataan wax kasta oo horumar gaadhsiin kara Umaddooda, iyagoo Ixtiraamaya karaamada ay ka mudan yihiin bulshadooda.
Ururka SOLJA waxa uu sanadkan 2016-ka gaadhay Guullo la taaban karo kuwaas oo ay ka mid yihiin:-
- SOLJA waxay soo saartay Buug Caalami ah oo la yidhaahdo Horumarinta Halbeega Saxaafadda Somaliland (Somaliland Media Devolopment Indicator Report) oo ay ku duugan yihiin dhamaan Macluumaadka rasmiga ah ee Saxaafadda Somaliland, kaasoo noqon doona xogta rasmiga ah ee Saxaafadda Somaliland.
- SOLJA waxay samaysay Qorshe lagu samaynayo Sanduuqa Adeega sharci ee Suxufiyiinta Somaliland (Journalist LEGAL AID FUND), kaasoo u sahlaya in uu ururku Suxufiyiinta u fidiyo adeeg sharci.
- Ururka SOLJA waxa uu sameeyey Qorshe hawleed saddex sanadoodle ah oo uu ku shaqayn doono Ururku si loo kobciyo ama kor loogu qaado heerka Suxufiyiinta iyo Saxaafadda Somaliland.
- Ururka SOLJA waxa uu sameeyey Siyaasada xubinimada Ururka (Membership Policy), iyadoo Diiwaangalinta rasmiga ah ee Suxufiyiinta Somaliland-na Ururku hirgain doono sanadkan 2016-ka.
- Ururka SOLJA waxa uu soo saaray warbixin sanadeedkii 2015-ka taasoo koobsanaysa dhamaan dhacdooyinkii la soo darsay Suxufiyiinta Somaliland haddii ay tahay Xadhig, Tacadi ama Dhaawac, kuwaas oo uu Ururka dhamaantood wax ka qabtay.
- Ururka SOLJA waxa uu sanadkan u gudbiyey Garsoorka, Xeer ilaalinta, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dacwado ka dhan ah Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo kuwo sharci oo khuseeya xeerka saxaafadda, gaar ahaan Dacwadaha ciqaabta ah ee Xeer ilaalintu ku Oogto Suxufiyiinta iyo Hay’adaha Warbaahinta.
- Ururka SOLJA waxa uu sanadkan kulamo heer Caalami ah iyo kuwo Waddani ah la yeeshay Hay’addo Caalami ah iyo daneeyayaasha Saxaafadda, kuwaas oo ay ka soo baxeen warbixino wax ka tari kara baahiyaha ku gedaaman Saxaafadda Somaliland.
Soo jeedin:-
Ururka Suxufiyiinta Somaliland isagoo ka duulaya Xuska maalinta madax bannaanida Saxaafadda Dunida waxa uu baaq usoo jeedinayaa qoddobadan.:-
- Ururka Suxufiyiinta Somaliland inay ka qayb qaataan dhamaan dhacdooyinka lagu weynaynayo madax bannaanida Somaliland, gaar ahaan Xuska 18-ka May, iyadoo uu doorka ay ku leeyihiin Ictiraaf raadintu ay muhiim u tahay Qarannimada Somaliland.
- Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland inay xil iska saarto horumarinta saxaafadda, isla markaana ay dhawrsanaanto fal kasta oo hadimo ku noqon kara Madax bannaanida Suxufiyiinta iyo Xorriyatul-qawlka.
- Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu usoo jeedinayaa Hay’adaha Caalamiga ah, Wasaaradaha iyo daneeyayaasha Saxaafadda ee gacanta ku haya mashaariicda khusaysa Saxaafadda inay kala shaqeeyaan SOLJA, gaar ahaana barnaamijyada wacyigalinta ee bulshada ay u hayaan.
- Ururka SOLJA waxa uu bulshada u soo jeedinayaa inay taageeraan Saxaafadda isla markaana xidhiidh dhaw kala soo yeeshaan wax kasta oo ay u arkaan inay ku jirto Danta qaranku, si ay u helaan Macluumaad dhab ah oo ka dheer Been, Khilaaf, Af-lagaado, Qabyaalad iyo Sumcad dil.
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA