Ururka Solja oo Doortay Hogaan Cusub iyo Gudoomiyahoodii Hore oo ka Hadlay Khilaafkii Hogaankooda soo kala dhex galay {DHAGAYSO}
Hargaysa 25.Dec 2014 (SDN/QJ)-Â Shirweynihii 5aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa Maanta lagu qabtay Huteelka Ambassador Magaalada Hargaysa kaas oo lagu doortay Hogaanka Cusub ee Ururkaasi hogaaminaya Mudada 3 Sanno ee Soo Socda.
Gudoomiyihii Hore ee Ururka Solja Xasan Maxamed Yuusuf ayaa ka sheekeeyay Marxaladihii Ururku soo maray iyo Khilaafka soo kala dhex galay Xubnaha Hogaaminta ay ku Wada Jireen.
GUJI HALKAN OO MOBILKAGA KA DHAGAYSO HADALKII XASAN MAXAED YUUSUF
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XasanMaxamedSolja.mp3″]
Wuxuu Shirweynaha 5aad Gudoomiyaha Ururka u doortay Mudada 3 Sanno ee Soo Socda Maxamud Cabdi Jaamac “Xuuto” Gudoomiye Halka Gudoomiye ku Xigeena loo doortay Kayse Axmed Digaale Iyadoo Jagada Xoghayaha Guud ee Ururka Solja loo Doortay Xuseen Aadan Yuusuf Kuurdi.