|

Ururka Saxafiyiinta Puntland oo labo u kala jabay iyo Faysal Khaliif oo Mooshin laga keenay DHAGAYSO

Garowe 3,March,2016(SDN/QJ):- Qaar kamid ah xubnaha ururka Saxafiiyinta Puntland ee MAP ayaa mooshin ka keenay gudoomiyaha ururkaasi Faysal Khaliif Bare.

suxufiyiinta puntland4 Kamid ah gudiga Fulinta ururka MAP ayaa sheegay in gudoomiyaha uu sameeyey ku xadgudub xeer hoosaadka ururka MAP sidaas awgeedna ay keenen mooshin ka dhan ah in xilkaasi uu baneeyo.

Arimaha kale ee ay ku eedeeyeen Faysal waxaa kamid ah in xilkii uu isku koobay isla markaana wax macluumaad ah uu la wadaagi waayay xubnaha kale ee ururka.

Dhankale Xiriir ay Warbaahintu la samaysay gudoomiyaha mooshinka laga keenay ayuu sheegay inuusan xiligan diyaar u ahayn unuu ka hadlo arimahaasi sidoo kale qaar kamid ah gudiga fulinta ururkaasi oo xiriir aan la samaynay ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn inay ka hadlaan Mooshinkaasi.

Comments are closed