Ururka Qareennada oo ka Hadlay Xadhigga Afhayeen Axmed Xuseen, Taageerayna Dib-u-habayn Booliska Somaliland lagu sameeyo DAAWO
Hargaysa 08. February 2017 (SDN/QJ):- Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in xorriyaddiisa loo soo celiyo Afhayeenkii Xarunta Xuquuqda Aadamaha ee Hargeysa Axmed Xuseen oo dorraad lagu xidhay magaalada Hargeysa, kaasoo ay sheegeen Qareennadu in qaabka loo xidhay tahay mid ka baxsan nidaamka Sharciga ah ee dalka u yaalla.
Afhayeenka Xarunta Xuquuqda Aadamaha Somaliland ee Hargeysa, ayaa lagu xidhay markii uu War-Saxaafadeed ka soo saaray Axaddii toddobaadkan Dacwad uu sheegay in Ciidanka Boolisku ku oogay Guddoomiyaha Xaruntaas Guuleed Axmed Jaamac oo ay Boolisku dhibsadeen Codsi Dadweyne oo xaruntu ay bilawday inay Bulshadu doonayso dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamka Boolisku u shaqeeyo oo sida Sharcigu dhigayo ay Shan Kun oo Qof haddii ay saxeexaan qorshuhu ahaa in loo gudbiyo Madaxweynaha Somaliland.
Haddaba, Garyaqaanno ka tirsan Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA, ayaa Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanay cambaareeyeen Xadhigga Afhayeenkii Xarunta Xuquuqda Aadamaha, isla markaana waxay difaaceen hawlgalka Xaruntu Codsiyada kaga saxeexayso Dadweynaha ee dib-u-habaynta Booliska, iyaga oo tilmaamay inay tahay tallaabo loo baahan yahay oo Dastuurka Somaliland fasaxayo, cidda ka hortimaadda ama ka hortimi ay Dastuur-jebin cad ku kaceen.