Ururka Qareenada Somaliland oo cambaareeyay isku-daygii dil ee lala beegsaday guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa
Hargeysa 11, June 2012 (Qurbejoog.com)- Ururka Qareenada Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SOLLA, ayaa ku kulul u cambaareeyay fal isku-day dil ah oo subaxnimadii Isniinta maanta lala beegsaday guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Mr. Cabdirashiid Maxamed Durhaan.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray guddoomiyaha ururka Qareenada Somaliland garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi, ururka SOLLA waxa uu xukuumadda ugu baaqay inay baadhitaan sugan ku samayso falkaas foosha-xun ee lagu dhaawacay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA), iyagoo ka xun weerarkii waxshinimada ahaa ee lagu dhaawacay Gudoomiyaha Maxakamada Gobolka M/Jeex Muddane C/rashiid Maxamed Maxamuud (C/rashiid Duraan), wuxuu si kulul u Canbaaraynayaa Weerarkaas lagu Bartilmaameedsaday Gudoomiyahaa ka tirsan Bahda Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.
Wuxuuna ugu Baaqayaa Xukuumada in ay baadhis sugan ku samayso Dhacdadaas Foosha Xun, dadkii falkaas gaystana Sharciga la hor keeno.
Sidoo kale waxaanu ugu Baaqaynaa Xukuumada in ay dajiso oo ay hirgaliyaan Qorshe cad oo lagu sugayo Ammaanka hawl- wadeenada Garsoorka goobahooda shaqada iyo guryahoodaba, iyagoo dabeecada shaqadooda ay Khatar ugu sugan yihiin mar kasta, waayo KA HORTAGU WUXUU KA WANAAGSAN YAHAY DAAWAYNTA.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com