|

Ururka Qareenada Solla Ee Gobolka Sanaag oo ka Hadlay Eedaymo Dhowaan Looso Jeediyay Maxakamadaha Gobolka Iyo Racfaanka

Ceerigaabo 17.March (SDN )  Shirkan Jar’aaid Ee Ururka Qareenada Somaliland Sola Ee Gobolka Sanaag Ay Maanta Ku Qabteen Magaalada Ceerigaabo Ayay Si Adag Ugaga Hadleen Heerarkii Garsoorka Iyo Maxkamadaha Gobolku Soo Mareen Waxanay Hala Kama Jiraan Ku Tilmaameen Eedaymo Dhowaan Shaqsiyaad Kamid Ah Bulshada Gobolka Sanaag Usoo jeediyeen Maxkamadaha Gobolka Iyo Racfaanka Waa Kan Gudomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Ee Sola U Qaabilsan Gobolka Sanaag Mudane Cali Siciid Jaamac Oo Ka Hadlaya Arimaahsi

“Hadii Aan Nahay  Xafiiski Fulinayay Adeega Sharci Ee Mudoba Sadexdi Sano Loogu Deeqayay Dadka Danyarta Ah  Oo Dhan 623 Dacwadood Oo Halkan Yaal Oo La Taaban Karo Oo Midkastaabana Garsoorku Sidii Saxda Ahayd U Abaaray Midkastana Sidu Udhacay Aan Hayno Waxan Nahay Haayada Qudha Ee U Xog-Ogaal Ah Anaku Waxan ka Duwanahay Qofka Keliya Ee Ka Warqaba Dacwadiisa Oo Dhinaca Kale Ah Oo Uu Ku gar Helay Ama Ku gar Wayay Dareenkiisa Farxadeed Ee Ka Dhasha Ama Cadhoba”
Gudomiyaha Qareenada Gobolka Sanaag Ee Solla Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Carabka Ku Dhufta Hadalo Dhowaan media Ay Iska Wadaar Sanayeen Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Isago Arintaasi Ka Hadlayana Waxa Uu Yidhi “Horta Dacwadani Laga Hadlayay Sadex Arimood Ayay Ii Qusaysaa Waa Marka Koowaad Ee Waxan Ahay Xafiiska Adeega Sharci Ee Dadwaynaha Loo Hayo Bixinaya, Ta Labaad Ee Aniga Ayaa Qareen U Ahaa Dhinaca Cabanayay, Ta Sadexaad Beel Nimo Ayay Ku Doodayeen Oo Isla Beeshaasanba Kamid Ahay, Markaa Waxana Leeyahay Dacwadaasi Bishii Labaad Ee Sanadkii 2012 Ayaa Maxkamada Gobolka Sanaag Xukuntay Waxana Dacwadaas Dhegeysanayay Go’Aana Ka Gaadhay Shiikh Axmed Saalax Yoonis Gudomiyaha Haatan Lagu Cambaaraynayo Ee Aadan Saalixi Waqtigaa Maxkamada Muu San Joogin Maxkadama Racfaankuna Waxay Go’Aan Ka Gaadhay 28/04/2012- Waxana Xukunkaasi Ku Dhawaaqay Gudomiyaha Maxkamada Racfaanka Xuseen Aw Diiriye Maxamed Xukunkaasi Oo Si Sax Udhacay Waanu Ku Qanacnay Aniga Iyo Qoladaan Qareen-Ka U Ahaaba”
Sidoo Kaleena Gudomiyaha Ururka Qareenada Solla Ee Gobolka Sanaag Ayaa Ka Hadlay Marxalidihii Uu Soo Maray Garsoor-Ka Gobolka Sanaag
Waxanu Yidhi:-
“Waxan Xog Ogaal u Ahay 1995 Markuu Shiikh Axmed Iidle Alabaabada U Furay Garsoorka Gobolka Sanaag Uuna Dhigay Kursigi Iyo Miiski U Horeeyay Isla Markaana Uu Suura Geliyay In Dacwada Ceerigaabo Lagu Dhegaysan Karo Xukuna Laga Soo Saari Karo Waxanu Gaadhsiyay Heer Garsoor Gobol Oo Dhamays Tiran Waxana Sanadki 2012 Bilawgisii La Wareegay Hogaanka Garsoorka Gobolka Dr:Xuseen Aw Diriiye Maxamed Waxanu Ka Bilaabay Iyado 30% Sahrcigu Shaqaynayo Hase Ahaate Intii Kaleba Meesha Ka Maqan Tahay Waxanu Gaadhsiyay 65% Waxanu Lagu Garan Karaa Halka Waxan ku Hayaa Xukun Sagaal Bog Ah Oo Ay Ka Dhex Muuqdaan 134-Qodob Sharciyed Taaso Muujinaysa In Weedh Kasta Oo Dacwada Kamid Ah Sharciga Loo Adeegsado Iyo Sida Xukunku Xeer Iyo Xaqiiqoba Ugu Dhisan Yahay Waxan Kalo Halka Ku Hayaa Xukun Hore Oo Hal Bog Wax Dhiman Ah Uuna Ku Qoran Yahay Hal Qodob Waxana Ay Kamid Yihiin 623-Dacawadood Oo Aanu Sadexdii Sano Ee Udambeyay Galay Taasina Waxay Marag Ma Doon U Tahay Garsoorka Maanta Iyo Shalay Ee Gobolka Waxana Leeyahay Maanta Waa Markii Ay Ugu Fiicnayd”

Garyaqaan Cali Siciid Jama Ayaa Xeer Ilaaliyaha Gobolka Sanaag Mudane Cabdi Haybe Cilmi Ku Sifeeyay Inuu Yahay Shaqsi Xafiiska Xer Ilaalinta Gobolka Wax Wayn Kusoo Kordhiyay Mudadii Uu Joogay Una Ku Sun Tan Yahay Shaqsi Hufnaan Iyo Dhexdhexaad Ku Shaqeeya Taasina Ay Ka Marag Kacayso Wax Qabadka Gudida Cadaalada Ee Gobolka
Ugu Dambayntiina Gudomiyaha Ururka Qareenada Solla Ee Gobolka Sanaag Waxa Uu Ka Hadlay Dhinaca Maxkamadaha Guura Ee Mobile Cord Iyo Doorka Qareenadu Gobol Ahaan Ku Leeyihiin Waxanu Yidhi
“Barnaamijka Maxkamadaha Guura Waxa Uu Qayb Ka Aahaa Heshiis Ay Wada Galeen Gudomiyaha Maxkamda Sare Iyo Haayada UNDP Waana Barnaamij Cadaalada Loogu Dhowaynayo Dadka Danyarta Ah Sanaadii 2011 Tiroba 18 Safar Ayaan Wada Baxnay Gudomiyaha Maxkamada Gobolka Aadam Jama ”Saalaxi” Halki Sanadki 2012 Anuu Hal Safar Wada Baxnay Gudomiyaha Maxkadam Ee Gobolka Axmed Saalax Yoonis Sidoo Kale Isla Sanada 2012 Waxanu 14-Safar Wada Baxnay Gudomiyaha Maxakamada Racfaanka Gobolka Sanaag Waxxana Taa Laga Dheehan Karaa Sida GarsoorkU Diyaarka Ugu Yahay Inuu Ubaado Dibada Ugu Hoydo  U Dibjiro Garsoorida Bulshada Balse Marxalada Haatan Jirta Iyo Habka Raagista Dacwadaha Waxa 80% Is Dhintay Rumaanki Ku Raagi Jiray  Maxkamadaha Taana Waxa Keenay Markii Ay Wada Jaan Qaadeen Xer Ilaalinta Garsoorka Iyo Qareenada Walow Ay Jiraan Laba Maxbuus Oo Dacwada Dhiig Ah Loo Haystay Kuwaas Oo Bishii 12/ Ee /2011 Uu Xilkooda Wareejiyay Gudomiye Adan Saalixi Oo Waqtigaa La Bedelay Kuwaaso  Oo Hadana 20/2/2013 Uu Dib Ula Wareegay Maxkamada Gobolka Gudomiye Aadan Saalixi Iyadoo Labadii Maxbuus Gar Suge Yihiin Waxanya Kamid Yihiin Dhaliilaha Yar Ee Weli  Jira Inkastoo Dacwadooda Hada La Bilaabay”
Sikastaba Ha Ahaate Tan Iyo Mudadii Kala Bedelka Lagu Sameeyay Maxkamadaha Gobolka Racfaanka Iyo Xer Ilaalinta Gobolka Ayaa Waxa Meesha Ka Baxay Saluugi Cadaladeed Ee Mudada Dheer Rafiiqa La Ahaa Bulsha Waynta Gobolka Sanaag

Ceerigaabo  SDN

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed