|

Ururka NUSOJ iyo Weriyeyaal kale oo Somaliland & Puntland ugu Baaqay inay Sii daayaan Weriye Coldoon iyo Universal TV DAAWO

Muqdisho 27. March 2017 (SDN/QJ):- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Weriyeyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa Maamulka Puntland iyo Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay sii daayaan Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Hargeysa ku xidhan tan iyo horraanta bishii labaad ee sannadkan iyo Xafiisyada TV-ga Universal ee Puntland oo Maamulkaasi xayiraad ku soo rogay.

Weriyeyaashan Warbaahinta la hadlay iyo Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ, ayaa Deeq gaadhsiiyey Agoonta iyo Rajada ay ka baxeen Allaah ha u naxariistee Weriyeyaashii kala ahaa Hindiya iyo Liibaan oo labadoodaba Muqdisho lagu dilay wakhtiyo kala duwan, waxaanay soo dhaweeyeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta loo magacaabay Eng. Yariisow.

Haddaba, Warbixinta Warkaas ay Madaxda NUSOJ iyo Weriyeyaasha Muqdisho ka hawlgala qaarkood arrimaha kala duwan kaga hadleen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed