|

Ururka Mus-Dambeed Ee Abwaanadii Hore Ay Ku Midoobeen Iyo Caweyska Dhallinyarada Somaliland

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):-Kulan ay soo abaabuleen bahda Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ayaa xalay ka dhacay Guriga Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa:  Caweyskan ayaa waxa marti ku ahaa Abwaaniinta muga iyo miisaanka ku leh bulshada Somaliland ee kala ah Xasan X. Cabdillaahi (Xasan-Ganey), Muuse Cali Farruur, Maxamed Aadan Dacar, Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qays), Aadan Tarabi Jaamac.

Ugu horreyn waxa xaflada furay Maxamed Aadan Dacar oo ka sheekeeyay ujeedada ururka Mus-dambeed iyo sababta loo furay, waxaanu sheegay muhiimadda ururka oo ah inuu yahay mid ka shaqeynaaya sidii ay bulshada Somaliland u noqon lahayd mid isku xidhan, isagoo xusay in ururkoogu uu ka madhan yahay siyaasad iyo kala qeybinta bulshada Somaliland.

“Dareen bulsho ayuu ku dhismay Mus-dambeed maaha urur siyaasi, dagaal-maalqabeen waa mid ka shaqeynaaya danta bulshada Somaliland ururku wuxuu u noolyahay inuu dadka wax taro in wax la wada yeesho weeyaan hadafka ururka mus-dambeed, ujeedada ururku waxa weeye inaanu diidno dagaal siyaasadeed iyo kala qeybinta sokeeyaha waxaanu rabnaa ummadayada inaanu uga tagno dad isjecel oo isku duuban”, sidaas waxa yidhi Maxamed Aadan Dacar oo ka warramaayay muhiimada ururka Mus-dambeed.

Aadan Tarabi Jaamaca oo ka mid ah Abwaaniinta ugu waaweyn Somaliland ayaa isna halkaa kasoo jeediyay maansada (Aabbo) waxa uu sheegay in maansadani ay jawaab u tahay Maansadii uu lahaa Abwaan Hadraawi ee ahayd “Hoyooy la’aantaa”.

Sidoo kale Abwaaniinta kala duwan ee ururka mus-dambeed ayaa maansooyin kala duwan iyo sheekooyin qosol badan la waddaagay dhallinyarada kala duwan ee martida u ahaa, sidoo kale Abwaaniintu waxay direen baaq nabadeed oo ku socota beelaha wada daga gobolka sanaag.

Ugu dambeyn waxa madasha ka hadlay Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha Somaliland Sharmaake Geelle wuxuuna soo dhaweeyay kulankan iyo Abwaaniinta Ururka Mus-dambeed.

Comments are closed