|

Ururka Midowga Yurub Waxay Taageerayaan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Somaliland

Hargaysa 05.Jan 2016 (SDN/QJ):- Midowga Yurub ayaa sheegay inay taageerayaan diiwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland ee badhtamaha bishan ka bilaabmaysa gobalka Togdheer.

Michele-Cervone-d’Urso1-281x300Ergayga Midowga Yurub danjire Michele CervoneDurso, ayaa qoraal kooban oo uu geliyay bartiisa twitterka, wuxuu ku sheegay inay Midowga Yurub ka go’antahay inay taageeraan diiwaangelintan, “Midowga Yurub wax aka go’an inay taageero siiyaan diiwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay inay bilaabanto 16 January.” sidaas ayuu yidhi danjiraha reer Yurub.

Ma bixin wax faahfaahin oo dheeraad ah, waxaanay farriintiisani daba socotaa ka dib markii ay guddiga doorashooyinku cayimeen bilowga diiwaangelinta oo uu Madaxweyne Siilaanyana digreeto ku iclaamiyay.

Comments are closed