|

Ururka Midowga Yurub oo Jabuuti Ku Amaanay Taageerida Soomaaliya

Brussels March 29 2013 (SDN)– Ku xigeenka Sarkaalka ciidamada Badda Midowga Yurub Admiral Eric Dupont kana socda ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti qeyb libaax leh ay ka qaateen dagaalada lagula jiro kooxaha burcad badeeda Soomaalida, isagoona hoosta ka xariiqay in ay si wada jir ah u sii wadi doonaan soo afjarida weerarada burcad badeeda Soomaalida.

Howlgalka Athlanta ee ka socda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya wadamo badan oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo sheega in ay dagaal kula jiraan burcad badeeda Soomaalida.

Ku xigeenka Taliyaha ciidamada Badda Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Jabuuti ay heegan u tahay in ay Soomaaliya ka caawiso sidii meel loo saari lahaa dhalinyarada inta badan ka qowleysta xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.

Wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada Badda Jabuuti iyo kuwa Midowga Africa si wada jira ah ay u wajihi doonaan kooxaha burcad badeeda.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in amaan balaaran ay u jeedinayaan ciidamada Badda ee ka socda Germany kuwaasi oo si joogta ah roondooyin ugu sameeya xeebaha Soomaaliya, ayagoo u jeedkooda uu yahay baacsiga burcad badeeda Soomaalida.

Waxaana ciidamada Bada ee ka socda Germany lagu amaanay caawinaada ay siinayaan Maraakiibta shixnadaha gargaarka u sida hay’ada cunada aduunka ee WFP.

Comments are closed