Ururka la dagaalanka Qaadka iyo Maandooriyaha ee Somaliland
Milton August 03,2012(SDN)- Waxa laga assassay magaalada Hargeysa sanadkii hore dhamaadkiisi , urur dhalinyara ah oo ka soo horjeeda Qaadka iyo Maandooriyayanka ummada halaagay. Ururka waxa ka madax ah arday dhigata Jaamacada Hargeisa oo u guntaday inay bilaabaan wacyigelin iyagoo dadka u sheegaya wax yeelada uu qaadku leeyahay.
Hadalka waxba idinku dheerayn maaye waxad barnamujka oo la soo daayay wiigi hore aad ka daawan kartan Somali channel U tube , kaasoo ahaa barnaamuj laga qabtay dhalinyarada waraysi ay kaga hadlaayeen sooyalka hawshooda. Waxa wax laga xumaada ah sida uu inanka dhalinyarada ee Utubkan idin sheegi doono. In ay dawlada Ethiopia Wasiirkeeda Maaliyadu uu qarar ku gaadhay in Qaadka lagu isticmalo dalka Ethiopia cashuurtiisa la kordhiyo si dadka cunaya ay u yaraadan, isla markana ay kordhin doonan u dirista Qaadka ay u diraan Dawladaha Deriska ah sida Somaliland, Somalia iyo Djibouti. Marka waan u madeenu ogaata waxa la inugu halaagayo.
Ugu danbayn , waxan halkan hambalyo ugu soo jeedinaya dhalinyarada ku dhiiratay arrinta fiican ee dalkooda iyo dadkoodaba u horseedaysa horumarka. Waxanan balanqaadayna inan wada shaqayn yeelan doono haddu ala yidha.
Waxa kale oo aan iyana halkan uga mahadcilinaya ururkayga xubna a ka mid ah oo ka qayb qaatay isku dubaridka barnaamujkan ay Somali Channel Studiyihiisa magaalada Hargeysa ku waraystay dhalinyarada mutawacnimada ah. Waxanan si gaar ugu mahadcelinaya Gudomiyaha Ururka la dagaalanka Qaadka Mr. Abukar Awale oo inta habeen iyo maalinba u heelin sidii hawsha Qaadka joojintiisa looga midha dhalinlaha halkan UK iyo Geeska Africkaba isla markaana fududeeyay isku xidhka dhalinyarada iyo Somalichannel.
Mahadsanidin
dan Jama Kahin
Gudomiye Ku Xigeenka
Ururka la dagaalanka Qaadka
UK
Milton keynes.