Ururka Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub SSUK oo taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii Istanbul
London April 16,2013(SDN)-Somaliland Society UK waxay taageero mug iyo macno xambaarsan ku grab taagantahay kuna bogaadinaysaa Madaxweynaha iyo wafdigiisii guusha ay ka soo hooyeen shirkii ay isugu yimaadeen labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia ee lagu qabtay dalka Turkiga maalintii Sabtidii 13ka bishan Abriil 2013.
Talaabadaa oo qofkii qaranaya ayaa qaranaayee inaga bugsiisay nabaradii inaga soo gaadhay isutagii 1960 dhexmaray inaga iyo Somalia. Waxa kaloo talaabadani muujinaysaa inay siyaasada arrimaha dibada Somaliland qaangaadhay oo ay cagta saartay jidka aynu u marayno ictiraaf caalamiya iyo dawladnimo taam ah.
Waxa xusid mudan kuna amaanan labada gudoomiyee ee axsaabta qaranka ee mucaaridka sida xilkasnimadu ka muuqato ee ay u guteen waajibaadka ka saaran ummadooda iyo dalkooda Somaliland iskuna grab taageen xukuumada intii ay socdeen wadahadaladu, gacanweyna ka gaystay midho dhalka iyo natiijada wax ku oolka ah ee ka soo baxday kulanadii labada guddi iyo kii labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia.
Sidoo kale gudida jaaliyada Somaliland society UK “SSUK” oo ku hadlaysa magaca bulshada reer Somaliland ee dagan UK, waxa ay soo dhaweyn iyo taageero u fidinayaan waftiga uu hogaaminayo Madaxweynah Somaliland Ahmed Mahamed Mahamuud oo soo gaadhay London UK.
Allah Mahad Leh,
Guddida/ Somaliland Society UK