Ururka ISIS oo ku xoogaysanaysa Puntland iyo dawladda oo lagu dhaliilay inay wali yaraysanayo kooxdaasi
Garowe 08.May 2016 (SDN/QJ):- Warar hor leh ayaa sheegaya in kooxda la baxday Kooxda Dawladda Islaamiga dadka qaarna u yaqaanaan Daacish ay kusii xidi daysanayso dhaqaale ahaan iyo awood ahaan gudaha dalka Soomaaliya
Dhanka Puntland oo horay loo sheegay in tiro yar oo gaaraysa 20 dagaallame ay daacish ka joogeen Puntland ayaa hadda la sheegayaa in tiradaasi ay 150 dagaal yahan gaarayso.
Daacishta caalamiga ah ayaa soo dhawaysay inay markii ugu horaysay xarumo ka furanayaan gudaha dalka Soomaaliya.
Waxaa la sheegayaa inay taageero milatari ka helayaan dalka yemen, sidoo kale ay Daacish dalka Soomaaliya usoo dirtay tabobarayaal caalami ah.
Hubka wuxuu uga yimaadaa magaalada dekedda leh ee Yemen ee Mukallah oo kooxdaasi ka taliso.
Wararka ayaa intaa ku daraya in illaa hadda maamullada Soomaaliya iyo Puntland ay isko indho tirayaan soo badashada Daacish oo ay quursanayaan, hayeeshee waa khatar muuqata sida ay sheegeen saraakiil sirdoonka Puntland kamid ahaan jiray.
Sargaalka ayaa sheegay in kooxdu ay fariisimo ku leedahay buuraha Call Bari ee Puntland, waxaana kooxda deegaankaasi joogta xiriir dhow kala dhexeeyaa kooxda Daacish ee Yemen.
Kooxdan ayaa sidoo kale la sheegay in xilligii la bur burin karay la iska indho tiray haddana tiradoodu ay soo badatay