|

Ururka Horumarinta Wadooyinka Ee Asarda oo ka hadlay Goorta ay dhamaanayso Waddada Isku Xidhaysay Boorama Iyo Dilla {Sawiro}

Boorama 25.Dec 2013 (SDN)- Waxaa si habsimay u socda hawlaha dhamaystirka wadada isku xidhaysa Boorama Iyo Dilla ee ay gacanta ku hayaan hay’ada wadaniga ee reer Awdal Ee ASARDA ,Wadadan oo ah mid halbawla u ah isku xidhka gobolada Galbeedka iyo Caasimada Somaliland ayaa ah mid gabogabo ku dhaw.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabten mas’uuliyiinta hay’adan ASARDA goobta ay shaqadu ka socotay ayaa waxa ka hadlay Gudoomiye C/laahi Xaaji Ciise, Gudoomiye ku xigeenka Hay’ada Xaaji Ismaaciil Cabdi Riiraash Iyo Mu’min Jaamac oo ka mid ah xubnaha ururka ASARDA Waxa ayna dhamaantood sheegeen in hawlihii wadadan isku xidhaysa Boorama Iyo Dilla ay soo gabogabeeyeen ayna u hadhsan tahay oo qudha wax ka yar Hal Km.

Mas’uuliyiintan ayaa iska daba maray mahadnaq balaadhan oo ay u direen cid walo oo ka qayb qaadatay dhamaystirka wadadan oo ay xukuumada Somaliland ku jirto waxa kale oo ay baaq dheer u direen guud Ahaan shucuubta Somaliland iyo gaar ahaan Qurba Joogta iyo qol-qol jooga ka soo jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland in ay u diyaargaroobaan bilowga wadada wayn ee isku xidhaysa Jabuuti Iyo Boorama oo ay sheegeen in ay Sannadka Cusub wajigeedii hore ay dhagax dhigi doonaan bilaabina doonaan haduu alla idmo.

Dhanka kale waxaa isna halkaas hadal mahadnaq ah ka soo jeediyay Sheekh Maxamed Shiine oo ka mid ah culumada waawayn ee Soomaaliyeed kana soo jeeda Goboladan Galbeedka Somaliland oo ka yimid dalka dibadiisa waxa uuna alle uga baryay cid wala oo ka qayb qaadatay dhismaha wadadan isku xidhaysa Boorama Iyo dilla in alle miisaanka xasanaadka maalinta qiyaamaha ugu darro taas oo uu sheegay in ay tahay sadaqad jaariya ah.

Si kastaba ha ahaatee Hay’adan ASARDA Oo ka mid ah hay’ad Local ah oo ay leeyihiin shacabka Reer Awdal ayaa waxa ay tahay ta qudha ee horumar la taaban karo oo ku dayasho mudan qabatay waxaana ay ku guulaysatay Riyadoodii ahayd “Yes We Can” shucuubta Soomaaliyeedna tusay in wax la qabsan karo iyada oo aan wax laga sugin Hay’ad iyo wax la halmaana.

boor7 boor9 boor14 boor15 boor17 boora6 boora13 bor1 bor4 bor10 bor16 bora5

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed