Ururka Hal-door Oo Xubno Qurbejoog Ah Soo Dhaweyn U Sameeyay + iyagoo Ku dhawaaqay Mashruuca Dhismaha Dugsiga farsamadda Gacanta Ee Maxamed Mooge. (Daawo Sawirrada)
Hargeysa,11Aug,2015(QJ/SDN)-Munaasibadd ballaadhan oo lagu qabtay hotel Royal magaalada Hargeysa, oo ay kasoo qayb-galeen siyaasiyiin, aqoonyahanno, wax-garad, culimo awdiin iyo xubno ka tirsan ururka Hal-Door, munaasibaddan oo ahayd mid is-huwan, oo soo dhaweynta xubnaha ka tirsan ururka haldoor ee qurbaha iyo ku dhawaaqista mashruuca dugsiga farsamadda gacanta Degmada Maxamed Mooge. Munaasibaddan oo ahayd mid dad badani ay hadalka iskaga daba mareen ayaa waxa halkaasi ugu horrayn ka hadlay Agaasimaha ururka Hal-door Deeq Cismaan, isagoo sheegay in uraldoor yahay urur samafal oo ka madax-banaan siyaasadda, ‘’ururka haldoor waa urur dhalinyaro waa urur mutadawiciin ah, waa urur samafal oo u istaagay horumarka dalkooda iyo dadkooda iyo wax u qabashadka bulshada tabaalaysayn iyo horumarinta waxbarashada’’ ayuu yidhi Mudane Deeq Cismaan
Sidoo kale isna waxa halkaasi ka hadlay Garaad Mahad Maxamed Oo ku hadlayay afka dhaqanka, ayaa ururka haldoor ammaan usoo jeediyay isagoo ku ammaanay waxqabadkooda dhanka waxbarashada ‘’ ururada kale waxaanu leenahay ururkan halagu daydo wax wanaagsan ayuu soo jeediyee halagu daydo’’ ayuu yidhi garaadku.
Geesta kale iyaduna waxa halkaasi ka hadashay Sahra Xassan oo ka tirsan qurbe-jooga ururka haldoor gaar ahaan qaaradda yurub, iyadoo iyaduna qurbejooga usoo jeedisay in ay ka qayb-qaataan dhisitaanka dugsiga farsamadda gacanta ee Maxamed Mooge, ‘’anaku waxaanu diyaar u nahay in aanu iskuulkaas wax ka qabano wax kasta oo ay nagu qaadanayso, ummada reer Somaliland’na waxaanu leenahay kasoo qayb-qaata’’ ayay tidhi marwo Sahra, iyadoo sheegtay in ay lacag fiican kasoo uririyeen jaaliyadda UK si dugsigan wax loogu qabto.
Sidoo kale isna waxa halkaasi ka hadlay Cabdiwahaab oo kasocday jaaliyadda USA ee Haldoor, isagoo dadka ku dhiiri galiyay farsamadda gacanta ‘’Farsamada gacanta cidna uma baahnid ee dubahaaga uun ayaad u baahantahay’’ ayuu yidhi cabdiwahaab isagoo ka hadlaya muhiimada farsamadda gacantu leedahay.
Wasiir Ku Xigeenka wasaaradda qorshaynta Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaana hadaladiisii ka mid haa ‘’iskuulkan waa kii loo baahnaa, meesha aad u doorteen ee xaafadda maxamed moogana waa meeshii looga baahnaa, waa xaaafad ku suntay qof dalkan usoo halgamay, markaa abaal ayay ku leedahay dhamaan dad reer Somaliland oo ay u kacaan, haldoorna waxaan leeyahay gacmaha fidiya si markaa mashruuca maxamed mooge la iskuugu tago oo aynu uga faraxalano, kii sheikh nuur, kii berbera iyo kii ceerigaabiyo aynu u sammeyno’’ ayuu yidhi wasiir Mooge.
Sidoo kale dadkii halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Sheikh Maxamuud Axmed Dalmar.
Gabagadii waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Xubno ka tirsan bulshada kuwooda ugu firfircoon oo ay ka mid ahaayeen Ex-wasiir Cali-sanyare, Wasiir Cabdikariim Axmed Mooge, Xil.Siciid Maxamed Libaaxo, Sheekh Dalmar, iyo Xubno ka tirsanaa Qurbe-joogta Haldoor, iyadoo munaasibaddaasi uu soo afmeeray wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Cabdirashiid ismaaciil kaahin.
QJ/SDN:Hargeysa