Ururka dhalinyarada Hal-door oo deeq isugu jirta Dawooyin, Agabka waxbarashada iyo dhir gaadhsiiyay degmeda Salaxlay
Salaxlay Mar 14,2012(SDN)-Ururka dhalinyarada Hal-door ayaa maanta deeq isugu jirta Dawooyin, Agabka waxbarashada iyo dhir , maanta Ku kala wareejiyey Golaha degaanka degmada Salaxlay, Ururka dhalinyarada Degmadaasi ee Saydo, iyo MCH-ka degmadaasi.
Xafladda Gudoonsiinta Deeqdan oo lagu qabtay Xarunta Degmada Salaxlay kana soo qayb galeen, Xildhibaanadda degaanka degmadaasi, dhalinyarta, wax-garadka iyo duqayda degmadaasi , waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Ururka dhalinyarada Saydo Mr,C/casiis colow Maxamed, waxaanuu uga mahad celiyey Dhalinyarada Hal-door deeqdan wax-tarka leh ee ay ugu deeqeen Degmadda.waxaanuu xusay in ay lagama maarmaan tahay in dhalinyarada degmadu ay ku dedaydaan ururka hal-door ee isu xilqaamay inay deeqdan degmada soo gaadhsiiyaan.
Maamulaha MCH-ka Degmada Salaxlay Maxamuud Muuse Jaamac, waxaanuu sheegay in Lagu jiro xilli jiilaal ah , xanuunaduna ay xillagan jiilaalka iska badan yihiin, Deeqdan dawada ahina ay tahay mid ku soo begantay waqti degaanka degmadu ay baahi u qabeen wax-badana ay ka tari doonto baahida xagga dawada ee degmada.Gudoomiye xigeenka Ururka Hal door Mr,Xsan Ismaaciil Cali iyo Agaasimaha Ururka Hal-door Deeq Cismaan Daahir,oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay ka warameen qorshahooda urur ahaan ay doonayaan inay degmadda ka qabtaan,iyo dedaalka ururkoodu ugu jiro inay kaalintooda ka qataan horuumarinta degmada.kuna tala jiraaqn inay ka fuliyaan mashaaric dhinaca caafimaadka iyo waxbarashada ah.
Gebagebadda Xildhibaan Axmed Aadan Ducaale, kana mid ah xldhibaanada Golaha degaanka degmada oo deeqdaasi ka gudoomay masuuliyinta ururka Hal-door, waxa uu ugu horayn uga mahad celiyay deeqdan oo uu sheegay inay tahay deeq muhiim ah.waxaanuu xadhiga ka jaray Laybareeriga dhalinyrada ee degmada salaxlay.
SDN-Salaxlay