|

Ururka Daryeelka Xayawaanka Lagu Tacadiyo  Oo Hargeysa Kusoo Bandhigay Dameer Nabarro Culusi Ka Muuqdaan Iyo Ninkii Watay Oo Xabsiga La Dhigay DAAWO

Hargaysa 09. April 2017 (SDN/QJ):- Ururka Daryeelka mayeedhaanka gaar ahaanna dameeraha ee magaciisa markala soo gaabiyo loo yaqaano SOWS oo fadhigiisu yahay magaallada Hargeysa ayaa soo bandhigay tacadiyo naxdin leh  oo loo geystay dameerro ay dadkii ku shaqaysan jireen dhibaateeyeen.

Guddoomiyaha ururkan Dr. Cali Xasan Xirsi oo  Magaallada ku soo bandhigay tacadiyo kadhan  ah dameeraha ayaa farriin u diray dadka ku shaqaysta dameeraha isaga oo u soo jeediyey in ay daryeel iyo xanaannoba isugu daraan mayeedhaankan ay manaafacaadsanayaan.

Sidoo kale Dr. Cali Xasan waxaa uu baaq u diray masuuliyiinta dawladahahoose ee dalka isaga oo kacodsaday in ay dabagal ku sameeyaan dadka dhibaataynaya xayawaannaadkan inta ay manaafacaadsadaan xooggooda marka ay hawl gab noqdaana cidla kaga dhaqaaqa “Ururka daryeelka xayawaanka iyo bulshada ee loo yaqaanno SOWS waxaa ay inta badan ku hawlan yihiin sidi ay u daryeeli lahaayeen una dawaynlahaayeen dameeraha isla markaana ay wacyi gelin uga samayn lahaayeen tacadiyaadka loo geysto”. Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Dr. Cali Xasan oo warbaahinta kula hadlayay isgoyska xaafadda boqol iyo kontonka oo ay xilligaasi ku dawaynayeen dameer ay oogadiisa nabaro ka muuqdaan oo hawl gabay, waxaanu intaa ku daray

“halkan waxaad ku aragtaan dameer tacadi culus loo geystay, dameerkaasi wuu rarnaa oo waxaa uu jiidayay booyad ay saaran tahay boqol litir oo biyo ahi, xoog baanu kaga dejinay annaga oo adeegsanay ciidanka booliska, ninkii watayna waa la soo qabtay. Tacadiga uu ninkani ku sameeyey dameerka dunuub baa bulshada uu dhex joogo ugu sugan haddii ay  wax ka qaban waayaan”.

Ayuu yidhi guddoomiyaha ururka SAWS, waxaanu intaa ku daray farriin uu  u diray dadka ku shaqaysta mayeedhaankan, “halkan waxaan baaq uga dirayaa dadka ku shaqaysta in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono qofka ku shaqaysta qofka ku tacadiya xawayaanka uu ku shaqaysanayay, waayo xawayaankani xuquuq buu kugu leeyahay haddii uu xanuunsado waa inuu daweeyaa, waa inuu raashin iyocunto siiyaa oo uu gaajada ka ilaaliyaa, runtii waxaa muuqata sida dameerka laga arkayo in aanu ninka watay ee ku shaqaysanayay aanu waxna siin jirin,daryeelna aanu u fidin jirin. Dadka kaalmaha haysta biyaha laga dhaamiyo waxaanu iyagana ka codsanaynaa in dadka noocaasi ah ay ciidammada booliska ah ee ugudhaw ay usoo sheegaan si looga dhigo ninka wata dameerka”. Ayuu yidhi.

Geesta kale Dr. Cali Xasan xirsi, guddoomiyaha ururkani waxaa uu sidoo kale codsi u diray xukuumadda dhexe ee Somaliland iyo dabcan dawladaha hoose ee dalka “Xukuumadda sare iyo dawladaha hoose iyagana waxaanu ka codsanaynaa waar xayawaankan shuruuc ilaalisa haloo sameeyo,dameerahan lagu tacadiyayo ee la dhibayaa in wax laga qabto waa shaqadoodii dawladaha hoose in wax laga qabto. Si gaar ah waxaanu maayarka Caasimadda Hargeysa uga codsanaynaa in isaga iyo golihiisu ay shuruuc ka soo saaraan ilaalinta iyo daryeelka damaeeraha lagu shaqaysanayo.”. ayuu hadalkiisa ku soo xidhay guddoomiyuhu.

Gebogabadiina waxaa uu guddoomiyuhu u mahad naqay rugta bilayska ee Dalloodho oo uu sheegay inay gacan weyn ka siiyeen sidii ay dameerkan uga dhigi lahaayeen ninkii watay.

Comments are closed