Ururka Bulshada Somaliland ee UK oo xasuuq ku tilmaamay weerarkii iyo dilkii ciidanka Liyuu Booliska Itoobiya u geysteen shacabka Gaashaamo
London 24, March 2012 (Qurbejoog.com)- Ururka Bulshada Somaliland ee UK oo magaciisa loo soo gaabiyo UK.SLC, ayaa cambaareeyay xasuuq ay ciidanka Liyuu Booliska Itoobiya dhowaan ka geysteen degaamo ka tirsan degmada Gaashaamo oo ka tirsan kilalka Shannaad ee Soomaalida Itoobiya.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ururku soosaaray, waxa uu dawladda Itoobiya ka dalbaday in si degdeg ah loo soo daayo dadkii ay qawlaysatada Liyuu Boolisku ka qafaasheen degaankaas, wuxuuna qoraalka ururka UK.SLC u dhignaa sidan; “Waxaa shir isugu yimid 21/03/12 Guddida Fulinta ee Ururka Uk.Somaliland community. Shirka waxaa lagaga wada hadlay “Xasuuqii Ciidamada Kililka 5aad(Itoobiya) ay ka geysteen Gaashaamo 17/03/12 .
Ka dib baadhis dheer iyo dood ku saabsan falkii foosha xumaa ee Ciidamada loo yaqaan Lyuu Police ay ka geysteen degaamada Gaashaamo,waxay Guddida fulinta ee Ururka Uk.SLC isku raaceen qodobada soo socda:-
1. Ururka UK.SLC wuxuu halkan TACSI tiiraanyo leh uga soo gudbinayaa dadkii Qoysaskoodii Qaraabadoodii sida foosha xun loogu Xasuuqay Deegaanka Gaashaamo,intii dhimatay ILLAHAY naxariistii jano ha siiyo ,inta dhaawaca ahna ILLAHAY caafimaad buuxa ah siiyo.
2. Ururka Uk.SLC wuxuu ka dalbanayaa Dowlada Federalka Itoobiya in si dhaqso ah loo sii daayo dadkii Shicibka ahaa ee Ciidamada Kililka 5aad ay sida sharci darada ah uga Afduubeen deegaanka Gaashaamo.
3. Ururka Uk.SLC.wuxuu u arkaa hadalkii ka soo yeedhay Wakiilka dalka Itoobiya u fadhiya Hargeysa-Somaliland, “mid meel ka dhac ku ah guud ahaan shacabka reer Somaliland,gaar ahaan shacabkii si foosha xun loogu gumaaday Gaashaamo, mana hayn hadal ka soo baxay shaqsi masuul sheeganaya”.
4. Ururka Uk. SLC,wuxuu usoo jeedinayaa Dowlada Federalka Itoobiya iyo Kililka 5aad,in sida ugu dhaqsaha badan sharciga loo horkeeno “Saraakiishii iyo Askartii ka masuulka ahayd xasuuqii ka dhacay Gaashaamo 17/03/12.
5. Ururka Uk.SLC-wuxuu ka codsanayaa dhamaanba Dowladaha,Urur Goboleedyada iyo Ururada caalamiga ah in si dhaqso ah baadhitaan loogu sameeyo Xasuuqii Ciidamada Kililka 5aad ay ka geysteen degaanka Gaashamo 17/03/12, Shaqsiyaadkii Xasuuqa ka masuulka ahaana si deg deg ah sharciga loo horkeeno.
6. Ururka Uk.SLC wuxuu qoraalo u kala dirayaa, warbixin buuxdana ka siinayaa Dowladaha iyo Ururada kor ku xusan Xasuuqii ka dhacay Deegaamada Gaashaamo.
7. Ugu dambayn wuxuu Ururka Uk.SLC ka codsanayaa Dowlada Somaliland,Hayadaha Samafalka iyo guud ahaan Jaaliyadaha reer Somaliland ee dibadaha in CAAWIMO(Cunto iyo Daawo) lala soo gaadho dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii ku baro kacay Xasuuqii deegaanka Gaashaamo ka dhacay 17/03/12.”
Qurbejoog.com, London
editor@somalidiasporanews.com