|

Ururka Boko Xaraam Oo Shaaciyay Sawirrada Warshad Hubka Samaysa Oo Ay Leeyihiin – SAWIRRO

Bama,3Nov,2015(QJ/SDN)-Kooxda islaamiga ah ee dalka Nigeria ee Boko Xaraam, waxa ay soo saareen sawiro muujinaya warshad sameysa gantaallada oo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Nigeria.

Kooxda waxa ay aad u isticmaashaa qoriga RPG-ga ee Baasuukaha, dadbadanna waxa ay isweydiinayeen halka uu hubkaasi ka yimaado.

Sawirada waxa ay u muuqdaan in qaar ka mid ah xubnaha kooxda ay farsamo ahaan garanaayaa soo saaridda hubka.

Waxaa la aaminsan yahay sawiradan in laga qaaday mac-had ku yaalla gobolka Borno.

Waxaa loosoo diray fariin WhatsApp-ka oo BBC Afka Hausaha EE Nigeria loo diray, lambarka telefoonka la isticmaalaayayna waxa uu ahaa kan dalka Cameroon, waxa sidoo kale sawiradan lagu daabacay baro lagu taageero Boko Xaraam.

Dadka wax falaqeeya waxa ay sheegayaan goobta gantaalada lagu sameeyo ay u muuqato inay tahay Bama, oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Nigeria oo ah deegaan ay dhowaantan Boko xaraam dib u qabsatay.

Mid ka mid ah qalabka ay isticmaalayaa kooxdan waxaa ka muuqda magac la soo gaabiyay oo ah dugsiga Farsamada dowladda ee Bama (GTCB).

Agabkan waxa loo maleynayaa in iskuulkaasi ay siisay hay’adda Trust Fund, sanadkii 2005tii.

Lama garankaro xilligan sawiradan la qaaday, ama in qalabka loo isticmaalayo sameynta hubkan laga qaaday magaalada Bama.

Ciidamada dowladda Nigeria waxay horey u qabsadeen deegaano badan oo kooxda ay maamuleysay, laakiin Boko Xaram weli waxay qaadeysaa weeraro isdaba jog ah oo ay si gaar ah uga fulinayaan gobolka Borno oo Bama ay ka tirsan tahay.

 

Comments are closed