Ururka Boka Xaaraam oo Tiro Dad ah Ku Dilay Waddanka Nayjar Isla Markaana in Ku Dhow 50 Qof Afduub ahaan u Kaxaystay
Nayjar 05. July 2017 (SDN/QJ):- 9 qof ayaa la diley 40 kalena waa la afduubay dalka Nayjar, ka dib markii kooxo hubaysani ayaa weerareen deegaan ku yaala koonfur bari ee dalkaasi.
Kooxda dilka geystay ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Booko xaaraam ee dagaalama deeganad xuduuda la ah dalka Nayjeeriya.
Sida ay sheegeen madaxda dalka Nayjar ragan hubaysan ayaa duulaanka ku diley sideed qof oo dhallinyaro ah iyo nin waayeel ah deegaanka Kablewa oo koonfur bari kaga yaala dalka Nayjar una dhaw xuduuda ay wadaagaan dalalka Nayjeeriya iyo Nayjar.
Wakaalada wararka ee AFP ayaa shaacisay inay raga hubaysani afduubteen inta u dhaxaysa 30 ilaa 40 qof oo isugu jira dumar iyo rag dhallinyaro ah oo aan ilaa hadda la garanayn meesha ay la tageen dadkan.
Ciidamada dawlada Nayjar ayaa gaadhay meesha mashaqadu ka dhacay, oo baadhitaan ka wada.
Kooxdan weerarka geystay ayaa watay awr ay gaadiid ahaan u adeegsanayeen.
Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad muddo wiig gudihii ah. Deegaankan uu weerarku ka dhacay waxa ku sugan dad qoxoonti ah oo gaadhaya saddex boqol oo kun oo qof, balse dawlada Nayjar ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay badh ka rarto xeradan oo loo daadgureeyo deegano kale, maadaama oo xeradani noqotay bartilmaameed ay weeraro ka geystaan ururka Booko Xaaraam, waxa sidoo kale saamayn weyn ku leh xeradan maadaama ay u dhawdahay xudduuda Nayjeeriya ay la wadaagto dalka Nayjar.
Tan iyo sannadkii 2015 waxa deegaanadan ka dhacayey weeraro is-dabajoog ah oo ay geysan jireen ururka Booko Xaaraam, taasoo markii dambe keentay inay xukuumada dalka Nayjar ku soo rogtay xaalad deg-deg ah. Arbacadii hore laba dumar ah ayaa isku qarxiyey deegaankan waxa aanay dileen laba qof 11 kalena way dhaawaceen, waxaana markiiba masuuliyada weerarka sheegtay kooxda Booko Xaaraam. In ka badan labaatan kun oo qof ayaa la diley laba milyan oo qofna waxa ay ka qaxeen guryahoodii tan iyo markii ururka Booko Xaaraam bilaabeen inay weeraro ka geystaan waqooyiga dalka Nayjeeriya sannadkii 2009.