|

Ururka Alshabaab oo Soo Bandhigay Tiradii Dagaal yahan ee Weerarka ku qaaday Xaruntii Ganacsi ee Westgate Mall ee Nairobi

Muqdisho 28. July 2017 (SDN/QJ):- Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeesay shaacisay tirada dagaalyahandii ka dambeeyay weerarkii sanadkii 2013 lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro aad u badan.

Muuqaal 35-daqiiqo soconaya oo kooxda Al Shabaab uga hadashay Duulaankii ciidamada Kenya kusoo galeen Soomaaliya iyo dagaalka ay Al Shabaab kala kulmeen, waxaa sidoo kale Muuqaalka looga faalooday weeraradii Al Shabaab iyana ka fuliyeen gudaha dalka Kenya .

 

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate Mall in ay fuliyeen afar nin oo dhalinyaro ahaa, Al Shabaab ayaana wali soo bandhigin magacyada afartaasi qof ay sheegeen in weerarkaasi ka dambeeyeen.

 

Weerarkii lagu qaaday xarunta Westgate Mall oo qaatay dhoor maalmood ayaa waxaa ka dhashay jahwareer aad u xoogan, waxaana dowlada Kenya weerarkaasi ka qaaday jahwareer xoogan iyadoona warar kala duwan kasoo saartay.

 

Al Shabaab ayaa sheegtay in aysan waxtar iyo awood laheyn ciidanka Kenya , waxa ayna tusaale usoo qaateen sida ay ciidankooda ula tacaaleen weerarkii lagu qaaday Wastagete Mall ay sheegeen in kaliya afar nin ka dambeeyeen.

 

Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen sanadkii 2013-kii Xarunta Westgate Mall waxaa ku dhintay dad ka badan 60-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidan, waxaana weerarkaasi sidoo kale ka dhashay khasaaro maaliyadeed oo aad u badnaa.

Comments are closed