|

Ururka Al-shabaab oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Baaqay Inay ka Dheeraadaan Xarumaha Q/Midoobay iyo Kuwa Ciidamada

shabaaabMuqdisho:12-Aug-2013 (SDN)War Amar ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ciidamada AMISOM iyo Xarumaha ay degan yihiin Hay’addaha Qaramada Midoobay.

Afhayeenka dhinaca howl-gallada Al-Shabaab Sheekh C/caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in  ururka Mujaahidiinta Al-shabaab ay u tudhayaan shacabka Soomaaliyeed oo ah difaacooda isla markaana ay ay farayaan iney ka dhaqaaqaan goobaha ay ka digayaan in laga ag dhowaado.

“Shacabka Muslimiinta ee aan jecelnahay ka fogaada xarumaha ciidanka caddowga iyo xarumaha hay’addaha gaalada ee lagu magacaabo Qaramada Midoobay, waxaad tihiin eheladayada iyo qaraabadayada marna waxaa tihiin dad muslimiin ah,”ayuu yidhi Abuu Muscab.

Abuu Muscab ayaa sheegay in xili walba ay u diyaarsan yihiin howlgalo uu sheegay in lagu dhibaateynayo ciidamada AMISOM iyo Hay’addaha shisheeye.

“Mujaahidiinta mar walba waxay u diyaarsanyihiin in ay cadawga weeraraan oo dhabarka jabiyaan,ma rabno in weerar mujaahidiintu qaadeen dhibaato idinka soo gaadho ee ka dheeraada xarumaha cadawga ,ahdaafta jihaadka waxaa kamid ah in aan difaacno dadka mustadcafiinta ah”.

Hadalka Afhayeenka howlgalada Shabaab Abuu Muscab uu dadka Shabaka ah ugu digayo, ayaa ku soo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ay sii xoogeysanayeen weerarada ay ka geystaan gobolada dalka qaar iyo magaalada Muqdisho oo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen, walow todobaadkii lasoo dhaafay aan wax falal amaan daro aysan ka dhicin.

 

Somalidiasporanews.com

Mugdisho/somalia

 

Comments are closed