Ururka Al-Shabaab oo shaacisay iney dib u howlgelineyso mashruucii caan baxay ee Faanoole
Muqdisho 12. March 2017 (SDN/QJ):-Al-Shabaab ayaa sheegtay iney Markii ugu horraysay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay dayactir ballaaran ku sameynayso Mashruucii caan baxay ee Faanoole.
Munaasabad ballaaran oo ka dhacday gobolka Jubba dhexe ayaa xarigga looga jaray mashruuc dhaqaale malaayiin dollar ah uu ku baxayo oo dib loogusoo noolaynayo Faanoole.
Sheekh Max’ed Abuu Cabdalla oo ah guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan Jubbooyinka oo xarigga ka jaray dib u howlgelinta Mashruuca Faanoole ayaa sheegay in si xowlli ah ay uga shaqeysiinayaan mashruucan oo 27 sanadood ka hor burburay.
Faanoole waaa mashruuc ay furtay dowladdii Madaxweyne marxuum Maxamed Siyaad Barre sanaddii 1983 isagoo ka bilaabanaya degaanka Manaane oo qiyaastii 36-Km u jira magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Mashruucan oo wejiyo badan lahaa ayaa looga faa’iideystay, beerihii Bariiska, kuwii qasabka ee Sokorta iyo adeeggii korontada biyaha laga dhaliyo oo markii ugu horraysay ay Soomaaliya tamarta biyaha wabiga u dhoofisay dibadda sida Kenya iyo Itoobiya.
Yuusuf Max’ed Ibraahim oo ka mid ah shaqaalihii mashruuca Faanoole xilligii dowladdii dhexe ayaa hadda nasiib u yeeshay in markale uu ka mid noqdo shaqaalaha cusub ee dayactirka ku sameynayo Faanoole wuxuuna sheegay in hadda dhul cabirkiisu dhowr km laga qoday kanaalka ayna rajeynayaan inuu gaaro degaanada Bandar salaama illaa Qalaaliyoow.
Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ganacsatada soomaaliyeed uu u furan yahay in ay ka qeyb qaataan mashruucan oo ay maalgashi ku sameeyaan.
Beeralayda iyo xoola dhaqatada ayaa ka waraabi doona biyaha uu Kanaalka Faanoole kasoo qaadayo wabiga Jubba oo ah midka ugu biyaha badan labada wabi ee mara dalka soomaaliya.
Soomaalida ayaa ku hal qabsata “Faanoole Fari kama qodna” oo ay ku cabirayaan baaxadda uu lahaa kanaalkan iyo weynankiisa lala meel dhigay shaqo aan dhammaad laheyn, malaayiin dollar ayaa ku baxaya mashruucan, iyadoo dad badani isweydiinayaan halka lacagtaas ay ka imaneyso.