Ururka Al-shabaab Oo Maanta Xukun Islaami Ah Ku Fuliyay Nin Lagu Soo Eedeeyay In Uu Kufsaday Gabadh Dhallinyaro Ah
Buurhakaba,9Dec,2015(QJ/SDN)-Maxkamad hoost-tagta Xarakada Al-shabaab oo ku taalla dulleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa maanta xukun karbaash ah ku fulisay nin ay sheegeen in lagu soo eedeeyay inuu kufsaday gabadh dhallinyaro ah.
Ninka xukunka lagu fuliyay oo lagu magaacabay, Xasan Macallin Madeey ayaa la sheegay inuu kufsaday gabadh dhallinyaro ah oo magaceeda lagu sheegay Xabiibo Caliyow Cabdillaahi, iyadoo xaakimka maxkamadda Al-shabaab uu sheegay inuu ninkan uu qirtay dambiga lagu soo eedeeyay.
“Xasan Macallin wuxuu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu kufsaday Xabiibo Caliyoow oo soo dacweysatay, wuxuuna dambiga ah in uu xoogay gabadhan ka Qirtay maxkamadda isagoo maskaxdiisu ay taam tahay,” ayuu yidhi garsooraha maxkamadda xukunka ridday.
Sidoo kale, Qaadiga ayaa wuxuu sheegay in maxkaamddu ay weydiisay Xasan Macallin oo lasoo eedeeyay inuu horay guur u soo maray, wuxuuna caddeeyay inuusan guur soo marin, sidaa awgeedna ay maxkamaddu ku xukuntay 100-karbaash, sida ay qabto diinta Islaamku.
“Ruux Muslim ah oo aan horay u soo guursan; haddii uu Zino ku dhaco, xukunka Islaamku wuxuu noqonayaa 100-karbaash; waxaana xukunkeenna u cuskannay sharcigaas islaamiga ah,” ayuu Qaadigu mar kale yidhi.
Intaas kaddib waxaa xukun karbaash ah lagu fuliyay eedeysanaya lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, iyadoo goobta ay joogeen dadweyne badan oo u soo daawasho tagay sida uu xukunkan u dhacayo.
Ugu dambeyntii, ma ahan markii ugu Horreysay oo ay Al-shabaab Xukunno isugu jira Dilal iyo karbaash ay ku fuliso dad lagu soo eedeeyay Zino iyo dambiyo kale oo ay ka mid yihiin jaajuusnimo, sida ay sheegeen mas’uuliyiintii Al-shabaab ee ka hadlay goobta Xukunkaan lagu fuliyay.