|

Ururka Al-Shabaab oo baahisay Magacyada Xildhibaano & saraakiil ay Sheegeen inay Ku Dileen Qaraxii Huteel Weheliye ee Muqdisho (Akhriso)

Muqdisho 15. March 2017 (SDN/QJ):- Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay magacyada xildhibaano hore iyo saraakiil ka tirsan laamaha amaanka dowlada kuwaasoo ay sheegtay iney ku dileen qaraxii Isniintii ka dhacay agagaarka hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Idaacadda Andallus ee ku hadasha codka Al-Shabaab ayaa baahisay in qaraxaas lagu dilay ilaa 30 ruux oo isugu jiray xildhibaano hore iyo saraakiil ciidan.

 

Magacyada saraakiisha ay Al-Shabaab sheegteen iney ku dileen qaraxaasi ayaa waxay kala yihiin:-

1-Jen. ka tirsan Hay’adda Sirdoonka dowladda oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan.

 

2-Col. lagu magacaabo Nuur Saafi oo isna ka mid ahaa saraakiisha Sirdoonka dowlada.

 

3-Col. Cumar Maxamuud oo ka mid ahaa Ciidamada militariga dowladda Federaalka.

 

4- Nin magaciisa la yiraahdo Nuur Kuulow oo ka mid ah shaqaalaha Golaha baarlamaanka oo sida Al-shabaab sheegeen dhaawac halis ah ku noqday qaraxaas.

 

5-Ex-Xildhibaan Xasan Cumar ayay Al-shabaab sheegeen iney ku dileen qaraxa.

 

5-sidoo kale Ex-Xildhibaan Maxamed Nuur ayaa isna ka mid ahaa dadka shabaabku sheegeen in lagu dilay qaraxa.

 

6-Ex-Xildhibaan Cabdullaahi Leesto ayaa isna dhaawac halis ah ku noqday qaraxa sida shabaabku sheegeen.

 

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya saraakiisha & xildhibaanada ay Shabaabku sheegteen iney ku dileen qaraxan mar laga reebo Cabdullaahi Leesto oo dhaawaciisa la xaqiijiyey.

Ku dhowaad 10 ruux oo shacab u badan ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen qaraxaas oo loo adeegsaday gaari miineysan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen caruur caseeyayaal ah, islaan shaah iibineysay , labo gabdhood iyo hooyadood oo la socday gaari wadada marayey iyo dad kale, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 20 ruux.

Comments are closed