Ururadii Siyaasadda Somaliland Ee Ku Guuldareystay In Ay Soo Baxaan Oo Soo Fadkifiyey Mar Kale Kuna Doodaya In Cadaalad-daro Lagu Reebay .
Columbus,Aug, 19,20012 ( SDN)…War Saxaafadeed ay si wada jira u soo saareen Ururradaasi ayaa si xoogan eed iyo dhaleecayn dusha ugaga wadhay sheegayna in Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudidda Doorashooyinka JSL ay arrintaa reebida ururrada ay u heshiiyeen.
Ururradaa la reebay ayaa sida aynu ognahay kala haa sida tan Udhis, NDB, Jamhuuriya, Horyaal, ururradaasi ayaa dacwadoodii iyo doodii ay soo badhigeen ahaa sidan iyagoo qodabaynaya.
1.Haddii aanu nahay daladda ururada siyaasadda ee Jamhuuriya, Horyaal, Udhis, NDB, waxanu dadweynaha Somaliland u sheegaynaa in aanu nahay ururo siyaasiyadeed oo la diiwaangeliyay, si sharciyana lagu soo dhisay kana soo baxay shuruudihii diiwaangelinta ururada siyaasadda ee lagu qeexay Xeerka 14, qodobka 4aad.
2. Sida lawada ogyahay markii aanu shuruudihii laga rabay ururrada aanu ka soo baxnay, Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabtuna, shahaadaddii ururada siyaasadda ee ku meel gaadhka ah ee lagu hawlgeliyay ayay si buuxda noo siisay. Sida ku cad qodobada 5aad ee xeerka 14 ee la xidhiidha qeexayana hawlgalka ururada siyaasadda, hawlgalkii si waafiya ayaanu u fulinay.
3. Hadaba anagu, haddii aanu daladdan ururada afarta ah nahay, xeerkii 14 waxa aanu u fulinay siduu ahaa. Guddida Diiwaangelinta ee loo xilsaaray may fulin arintaa. Qodobkaa sharciyanka ahaa way ka leexatay, waxaanay si badheedha ugu hogaasamee talooyin siyaasi ah iyo talooyin farsmo ah oo dano gaar ah laga leeyahay ayay ku dhaqantay. Talooyinkaasina waxa ay si toosa uga s soo baxayeen Golaha Wakiilada, Xukumada, iyo Guddida Doorashooyinka. Talooyinkaasina si cad ayay u soo baxeen iyada oo shir Maansoor lagu qabtay lagaga dooday, “ Ururadu way badanyihiin ha la yareeyo.” Sidaa darteed baana ururadan loo “reebay”. Ka dib markii ay Guddida Diiwaangelintu go’aankaa xeerka jebiyay gaadhayna waxay tidhi, “Waa go’aan kama dambaysa oo dib loogu noqon Karin rafcaana laga qaadan Karo”.
4. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa si badheedha hadalkaa Gudida deedifeeyay oo ku dhawaaqay in ay ururada la “reebay” rafcaan qaadan karaa. Iyada oo ururadu go ’aanka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare gaadhay ugu mahadnaqaya, rafcaankii ayay qaateen. Dacawadihii ururadana Maxkamada Sare way dhegaysatay. Go’aankiina Maxkamadda Sare waxay u muddayso in uu soo baxo Iidda ka dib.
5. Hadaba waxa cadaatay in aan xeer la racaayn, maxkamadna la xurmaynayn Maxaa yeelay iyada oo la sugayo go’aanka Maxkamadda Sare ee dacawadda ururada ayaa Guddida Doorashooyinka Qaranka (GDQ) 12/8/12 go’aan soo saartay ay ku qeexayso xilligia la qabanayo doorashooyinka golyaasha deeganka iyo xilliga ugu dambeeya ee la soo gudbinayo magacyada tartamayaasha, kuwaas oo kala ah: 28/11/12 iyo 15/9/12. Guddida Doorashooyinka waxay go’aankeeda ku salaysay go’aamadii laga dacwooday ee Maxkamadda Sare horyaalay garnaqeedina la sugayo. Kaasi waa gefka kowaad.
6. Gefka labaad ee loo badheedhayna waxa weeye, in Madaxweyne Siilaanyo ogolaaday go’aanka aan sharciga waafaqsaneyn ee xeerka baalmarsan ee Gudiga doorashooyinka qaranku gaadhay oo uu saxeexay 16/8/12, Kaas oo aan xaqa muwaadinka iyo xurmada maxkamadda midna tixgelin.
7. Hadaba wax noo caddaatay, haddii aanu nahay ururada la “reebay” ee dacwiyaya in sababto la doonayo in naloo reebo ay tahay sabab siyaasi ah oo xukuumaddu hormood ka tahay, adeegsatayna Guddida Diiwaangelinta iyo Guddida Doorashooyinka, Anagu se waxanu nahay xeerkunool, oo waxanu naawilaynaa oo aanu sugaynaa go’aanka Maxkamadda Sare, kaas oo aanu tixgelinayno.
Columbus Oh
Somalidiasporanews