|

Ururadda Saxaafadda Somaliland oo Maanta u Balansan Xayiraada laba sanno Jirsatay ee Wargaysyada Haatuf

Hargeysa 07.April 2016 (SDN/QJ):-  Warbaahinta iyo ururada saxaafadda ee Somaliland ayaa u balansan inay isugu yimaadaan kulan ballaadhan oo galinka hore ee maanta ka dhici doona Xaraf Restaurant ee Hargeysa kaasoo laga hadli doono xayiraada hadda laba jirsatay ee ay xukuumadda madaxweyne Siiraanyo ku soo rogtay sadexda wargeys ee Haatuf,The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi kuwaaso ay magaalada Hargeysa ka soo saari jirtay Shabakadda Haatuf Media Network.

 

haatufCiidan hubaysan oo laga soo amray madaxtooyada Somaliland ayaa 4/7/2014 albaabada u laabay xarunti Haatuf Media Network ka dib markii uu wargeyska Haatuf ee Afsoomaaliga ku soo baxaa soo daabacay maqaalo daahfuraya musuqmaasuq baahsan oo uu ku kacay wasiirka Macdanta iyo xubno ay gacan saar wada leeyihiin oo ka tirsan qoyska madaxtooyadu.

Comments are closed