Ururada Xagjiriinta ah oo isticmaala Facebook, Twitter, YouTube iyo Myspace
Haifa Jan 11,2012(qurbejoog.com)-Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kooxaha xagjiriinta ah ay isticmaalaan iminka baraha Internetka ee bulshooyinku ku haasaawaan.
Kooxaha reer galbeedku ku sheegaan argegixisada ayaa iminka xogaha ka urursada isla markaana xogaha isku weydaarsada iyada oo aan sidaa loola socon.
Daraasadan oo ay soo bandhigtay Jaamacada Haifa ayaa baaritaanka waday mudo iminka toban sano ah.
“Maanta boqolkiiba 90 hawlaha argegixiso waxa loo isticmaalaha aaladahan Internetka ee Facebook, Twitter, YouTube iyo Myspace iyada oo aaney jirin xuduudo xanibaya”sidaa waxa yidhi Gabreil Weimann oo ah bare Jamacada Haifa wax ka dhiga.
Xagjiriinta ayaa la sheegay in ay Internetka kala saaxiibaan dad ay ku tuhmayaan in ay hayaan xog faro badan, si halkaa ay uga dheedaan.
Dawladaha reer galbeedka qaarkood ayaa saraakiishooda ku wargeliyay in aaney yeelan Facebook, Twitter, YouTube iyo Myspace.
Si kastaba ha ahaatee waxa iminka la ogaadey uun faaiidada Internetka uu u leeyahay kooxaha shuruucda dibeda ka ah.
Qurbejoog-Haifa
contact@somalidiasporanews.com