Urur Siyaasadeedkii Jamhuuriga oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye,Khudbadihii laga Jeediyay {DHAGAYSO}
Hargaysa 25.July (SDN) Ururkii Jamhuuriga oo ka mid ahaa Ururadii ku hadhay doorashadii Golayaasha degaanka ee dalka ka qabsoontay dabayaaqadii sanadkii hore ayaa Maanta si rasmiya ugu Biiray Xisbiga Talada haya ee Kulmiye.
Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo loogu qabtay Kusoo biirista ururkaas hore huteel Mansoor ee magaalada Hargeysa,ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mud, Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda kale ee xisbiga, Gudoomiyihii Ururkii Jamhuuriga md. Cismaan Xasan Mire, maayirada degmooyinka Burco,Boorame,Berbera,Gabilay iyo Hargeysa,Salaadiin, iyo Marti sharaf kale.
GUDOOMIYIHII URUR Siyaasadeedkii Jamhuuriga Cismaan Xasan Mire, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay maanta si rasmiya ugu biireen xisbiga kulmiye,waxaanuu xusay in ku biiritaankooda ay maanta ku soo biireen xisbiga kulmiye uu ka dhashay wada hadal mudo u socday labada dhinac, Maantana taageeradooda ay ku soo biiriyeen xisbiga kulmiye.
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Mud, Muuse Biixi Cabdi, oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inay si kal iyo laab ah ay u soo dhoweynayaan Madaxda iyo Taageerayaasha Ururkii Jamhuuriga eeku soo biiray xisbiga kulmiye kuwaas oo uu tilmaamay in ay cududooda kusoo biiriyeen xisbiga.
Dhinaca kale Gudoomiye muuse biixi waxa uu sheegayin ay soo dhoweynayaan isu soo dhawaanshaha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Wadani,isaga oo sheegay inay meesha ka saartay khilaafaadkii hore uga dhex jiray.taasoo tilmaan u ah ayuu yidhi in Somaliland ku soo caanamaasha kuna dhisan tahay wada tashi iyo isu tanaasul.
Gudoomiyaha oo ka hadlayey Golaha ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, Waxa uu sheegay in Xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ay isla garteen in dul-qaad loo muujiyo, iyada oo xubnaha siyaasiyiintaasi yihiin kuwo magac weyn ku leh dalka.
Waxa kale oo Mud, Muuse sheegay in loo baahan yahay In siyaasad misdaysan iyo feejignaan laga yeesho wada hadalada somaaliya inoo dhexeeya .
Geesta kalana gudoomiyaha xisbiga kulmiye waxa uu soo jeediyaya in la iska kaashado sidii dhalinta looga joojin lahaa tahriibka,looguna tacab geli lahaa shaqa abuurid loo sameeyo.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Gudomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac ismaaciil cige iyo Xubno ka tirsan Golaha fulinta Kulmiye iyo urur siyaasadeedkii Jamhuuriga.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Jamhuurigaiyo(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com