Urur siyaasadeedka Xaqsoor oo Xaflad balaadhan ku qabtay Ottawa
Ottawa July 16,2012(SDN)-Dadweyne faro badan ayaa si isugu yimi hoolka weyn ee Ben Franklin Place si ay uga qeyb galaan xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ee uu urur siyaasadeedka Xaqsoor ku qabtay magaalada Ottawa.
Xafladaas waxaa ka soo qayb galay aqoonyahaano sharaf iyo maamus ku leh Somaliland. Dr Maxamud Tani, Dr Adan Faarax Dhoore iyo Muj Ibraahim Maxamed Meecad ayaa si qoto dheer uga hadlay taariikh nololeedka iyo tariikh siyaasadeedka Muj Xasan Ciise Jaamac. Goor dhow ayaan soo gudbin doonaa muqaal ku saabsan sadexdaa qudbadood.
Sidoo kale , Cabdiqani Xaaji Faarax Dhuxul ayaa si weyn u amaanay qaraarka geesinimadu ku jirto ee Muj Xasan Ciise ku doortay Cali Sandule. Wuxuu Cabdiqani yidhi qaraarka Xasan waa mid ku salaysan danta guud, weligiini waxaa Xasan lagu yaqaanay dhaqanka danta guud.
Siduu Cabdiqani yidhi, qaraarka mujaahidku wuxuu dawo ka noqonayaa arrimo badan wuxuuna ka tarjumayaa waxgaradnimada Xasan Ciise.
Kadib Xasan Cali Abokor ayaa si qurux badan u soo bandhigay tariikhda Cali Sandule, isagoo xusay inuu Cali yahay nin leh kartidii iyo wax qabadkii looga baahnaa madaxweyne ku xigeen. Wuxuu Xasan xusay in Cali Sandule si qurux badan uu u xaliyay xaaladii cakirnayd ee Lascanood ka taagnayd markii ay dib ugu soo noqotay gacanta Somaliland.
Cali Barkhad (Cali Diig) ayaa isna soo dhoweeyay musharaxnimada Cali Sandule. Hadaanu nahay reer Awdal, waxaanu soo dhaweyneynaa Cali Sandule anagoo rajaynayna kuna kalsoona inuu qaraarkan Xasan Ciise
sii xoojiso midnimadda Somaliland.
Ibrahim Farax oo meteleyay tageerayaasha Xaqsoor ee Toronto aya isna xusay in Xaqsoor uu noqday xisbiga kaliya ee wargeys caalami ah uu wax ka qoro isagoo soo bandhigay maqaalkii Ottawa Citizen ka qoray
xafladda Xaqsoor.
Xafladdu waxay ku dhamaatay qudbad dheer oo qiimo lahayd uu jeediyay Prof Maxamed Faarax Xareed oo ah gudoomiyaha Xaqsoor ee Canada. Prof Xareed wuxuu si qurux badan oo qancisay dadweynaha fagaaraha isugu
yimid u bandhigay barmaamushka Xaqsoor iyo sida weyn ee wax uga badalayo Somaliland, xalna ugu noqonayo dhibaatoyinka ka jira Somaliland.
Qudbandan oo dhameystiran iyo guud ahaan muqaalkii xafladda waxaan usoo gudbin doona warbaahinta xilli aan fogayn Dhawaan filo videoga xafladda iyo khudbadahii laga jeediyay.
SDN-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com