Urur Siyaasadeedka SSCD oo xafiis ka furtay magaalada Laascanood
Laascaanood Mar 06,2012(SDN)-Munaasibad lagu furayey xafiiska urur siyaasadeedka SSCD ee magaalada Laascaanood ayaa maanta lagu qabtay xarunta gobolkja Sool .
Munaasibadan oo ay kasoo qeyb galeen aqoon yahano , Salaadiin , Dhalinyaro iyo haween ayaa waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururkaasi ee gobolka Sool C/qaadir Maxamed Adar oo ka waramay Barnaaijka siyaasadeed ee ururka SSCD , isla markaana u mahad celiyey dadka kasoo qeyb galay xafladaasi .
Waxa sidoo kale iyana halkaasi ka hadlay xubno iskugu jira Odayaal , haween iyo dhalinyaro, kuwaasoo sheegay in ay garab taagn yihiin ururka SSCD , isla markaana ay gobolka ku soo dhaweeyn doonaan .
SDN-Laascanood