|

Urur Siyaasadeedka NDB oo xafiis ka furtay degmada Oodweyne

Oodweyne Mar 06,2012(SDN)-Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka NDB ee nabada,Dimuquraadiyada iyo Barwaaqada Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa xadhiga ka jartay xafiiskii uu urur siyaasadeedkeedu ku yeelanayay Magaalada Oodweyne ee Xarunta Gobolka DaadMadheedh.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka NDB waxay ka warantay Mabaa’diida uu u taagan yahay urur siyaasadeedkani oo ka turjumaya ayay tidhi Ilaalinta Midnimada dhuleed ee Somaliland iyo sidii ay aqoonsi uga heli lahayd adduunka intiisa kale .

Geesta kale Taliyihii  Qaybta booliska ee Gobolka Daad Madheedh Ibraahin Aw Yaasiin Xirsi ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay Taliyaha Cusub ee loo soo magacaabay Gobolkaas  Jaamac Baadi Cawad, madax iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay goobtaasi ayaa ka markhaati kacay waxqabadkii uu hirgeliyay Taliyihii hore ee Qaybta booliska gobolkaasi waxaanay u rajeeyeen taliyaha cusub inuu ilaahay u fududeeyo xilka iyop waajibaadka balaadhan ee loo igmaday .

SDN-Oodweyne

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed