|

Urur Goboleedka IGAD oo Calaamadinaya Xuduudka Jabuuti iyo Somaliland u dhexeeya & Xukuumadda oo ka hadashay

Hargaysa 09.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inaanay waxba kala socon qorshe la sheegay in Urur-goboleedka IGAD ku doonayo in lagu calaamadiyo Xuduudka ay la wadaagto Jamhuuriyadda Jabuuti.

IGAD-SOMALILAND-IYO-JABUUTI

War-Saxaafadeed Ururka IGAD ka soo baxay oo uu baahiyey 2-dii bishan December, ayaa lagu sheegay inay qabanqaabiyeen kulan hawleed lagu dhaqan-gelinayey warbixin ka hadlaysay Ammaanka iyo Maamulka Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

 

Cilmi-baadhistan oo la sameeyey bilihii September iyo November ee sannadkan, isla markaana ka soo qeybgaleen Saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Hay’adaha Ammaanka, Xeer-ilaalinta iyo Kastmada dalka Jabuuti, ayaa laga soo saaray talooyin la xidhiidha iskaashiga Hay’adaha ka shaqeeya Xuduudka laba dal.

 

Kulanka ayaa sidoo kale talooyinkii ka soo baxay waxa ku jiray in la xoojiyo heshiisyada ku saabsan calaamadinta Xuduudaha u dhexeeya labada waddan ee Somaliland iyo Jabuuti.

War-Saxaafadeedka kulan hawleedka IGAD soo qabanqaabisay oo aan lagu sheegin Masuuliyiin ka socotay dhinaca Somaliland, ayaa Wargeyska Himilo oo kala xidhiidhay inuu wax ka weydiiyo Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliland, ayaa sheegay inaanu gebi ahaanba waxba kala socon kulan hawleedkaas.

 

Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf (Ina-Cambaro), ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in markuu maqlay arrinkaas ugu tegay Xafiiska Urur-goboleedka IGAD ee Jabuuti, balse aanu wax tafaasiil ku saabsan ka soo helin, waxaanu yidhi; “Wax hayaba-yaraatee hawshaa nalagala soo socodsiiyey oo aannu ka ognahay ma jiraan. Markaan maqlay hawshaas, waxaan tegay Xafiiska IGAD (ee Jabuuti), si aan u soo helo macluumaad dheeraad ah, balse wax Madaxda IGAD nagala socodsiiyeen ma jirto.”

 

Taliyaha Ciidanka Socdaalka Somaliland oo aannua weydiinney inuu wax ka weydiiyey Madaxda dalka Jabuuti arrintan, ayaa sheegay inaanay macluumaad u hayn, waxaanu yidhi; “Waan weydiiyey Masuuliyiinta innoo joogta Xuduudka Lawyacado oo hawlo la xidhiidha qalabaytan dhisme cusub oo Wasaaradda Maaliyadu naga caawinayso aan u tegay iyo kuwa dalka Jabuuti, waxay ii sheegeen inaanay waxba kala socon.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed