Urur Diimeedka Cusub ee Al Saadicuuna Bil Xaq oo Soo Bandhigay Mawqifkooda Dhabta ah,Kana Falceliyey Dareemada Kaga Soo Noqday Shacabka Iyo Culimadda Kana Hadlay Shakhsiyaad Hargaysa Ku Xidhan, Iyo Siday u Arkaan DAAWO
Muqdisho 17. April 2017 (SDN/QJ):-Ururka cusub ee la magac baxay Al-saadicuuna Bil-xaq ayaa Bayaan ay Soo Saareen Waxay kaga hadleen eedaymaha loo Jeediyey Ururkan,Waxay Sheegeen in Ujeedadoodu tahay Sidii Bulshada Somalida ay u Gaadhsiin lahaayeen Wanaaga diinta Islaamka.
Sarkaal u hadlay Urur diimeedka Al Saadicuuna Bil Xaq ayaa sheegay in Waxyaabaha laga faafinayo Ururkoodu uu Yahay been abuur dhab ah Waxaa Kale oo uu Bulshada u Xaqiijiyey in aanay ahayn Urur argagixiso,Sidoo Kale Waxa uu ka hadlay Fikirka ay ka qaateen qaybo ka mid ah Culimadda Somalida Iyo Xadhig ay Somaliland ku qaaday Koox Magaaladda Hargaysa kaga dhawaaqday Ururkan Isla markaana Shaqadoodii ku waayay aaminsanaanta Kooxdan Diimeed.