UNICEF oo walaac ka muujisay dhibaatooyinka Carruurta Wadamada Saboolka ah
New York, 28, February 2012 (SDN)- Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in malaayiin carruur ah oo ku nool magaalooyinka adduunka ay dhibaato xoogani soo food saarayso, kuwaasoo horeba u dhibaataysnaa, isla markaana xadgudubyo loo gaysto xuquuqdooda.
Warbixintan ay soo saartay UNICEF ayaa ku baaqaysa in la qaado dedaal dheeraad ah, sidii xuquuqda carruurta xudun looga dhigi lahaa barnaamijyada siyaasadda ee magaalooyinka.
Hay’ada UNICEF waxay ka digaysaa in dhibaatooyinka carruurta ay ka badan yihiin sidii la filayay wadamada saboolka ah, taasoo ka hor imanaysa barnaamijyada horumarinta kun-guurada ah (Mellenium Development Goals).
Hay’ada UNICEF ayaa warbixinteeda diirada ku saartay wadamada Africa ee ay ka jiraan dhibaatooyinka dhaqaale darro.
SDN, New York