UNHCR Oo Ka Hadashay Mudadda Qaxootiga Soomaalida ah Laga Rari Karo Kenya
Nairobi:25-Nov-2013(SDN)- iyadoo Dunida oo Dhami haatan ka Hadlayso Rarista Dadka Qaxoontiga soomaalida ah eek u Nool Kenya, ayaa Haatan waxa arrintaas ka Hadashay Hay’adda Qaramada Midoobay ku Qaabilsan arrimaha Qaxoontiga.
Hayada UNHCR ayaa sheegtay in Xataa haddii qaxoontiga Somalida ah la Raro ay sii Jiri Doonto Xerada Dhadhaab oo ah Xerada ugu weyn dunida dhinaca Qaxoontiga.
Wakiilka Hayada UNHCR ee dalka Kenya Raouf Mazou ayaa sheegay in qorshaha dib u celinta qaxootiga ay qaadanayso ku dhawaad 10 sano si loosoo gabogabeeyo soo celinta qaxootiga doonaya inay dalkooda kusoo laabtaan.
“Tani ma aha wax hal maalin dhici kara waxay qaadanayso waqti dheer in la qaado dhamaan qaxootiga Soomaaliyeed, Xerada Dhadhaab way soo weynaanaysaa”ayuu sheegay wakiilka UNHCR ee dalka Kenya.
Wuxuu hadalkiisa kusii daray hishiiska ay kala saxeexdeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid ku salaysan in la celinayo kaliya dadka doonaya.
“Waxaa muhiim ah inla ogaado inaanay jirin hal ruux oo Soomaali ah oo si qasab ah looga kaxeeyo dalka Kenya”ayuu u sheegay Mr Mazou wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya.
Wakiilka hayada UNHCR ee dalka Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad 474,483 ruux oo qaxooti Soomaaliyeed ay ku nool yihiin xeryaha dalka Kenya.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com