UNHCR: 12kun oo qaxooti Soomaali ah oo dib ugu soo laabtay Soomaaliya 2013
Nairobi March 15 2013 (SDN)— Ha’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa sheeegtay in dad lagu qiyaaasayo 12-kun oo qaxooti Soomaali ah ay dib ugu soo laabteen dalka Soomaaliya 9-Isbuuc ee ugu horeeyay sida laga soo xigtay warbixin Arbacadii laga soo saaray Xafiiska (OCHA).
Inta badan qaxootiga ku laabtay Soomaaliya ayaa 10,500 oo kamid ah waxa ay ka tageen Xiyaraha qaxootiyada ee kuyaalla dalalka dariska ah sida Kenya iyo Ethiopia iyadoo inta kalan ay ka soo carareen dalalka Yemen iyo Sacuudi Carabiy.
Xafiiska QM, ee Isku xirka Hawlaha Samafalka ee (OCHA), ayaa warbixin uu soo saaray ayaa waxa uu sheegay in dadka ka soo laabtay Kenya ay badankooda soo gaareen Magaalooyin waa weyn ee ka tirsan gobolada Jubooyin ee ay gacanta ku hayaan Ciidamada Kenya.
Hay’adda QM u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga UNHCR, ayaa sidoo kale sheegtay inay 1,142 oo qof ay Magaalooyin ay ka mid yihiin Baardheere, Kismaayo iyo meelo kale.
Qaxootiga Soomaaliyeed ee hada soo laabanaya ayaa la sheegayaa in ay badidooda yihiin dadkii ka cararay dagaaladii ka dhacay Koofurta Soomaaliya kuwaasi oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidmada dowladda oo gacan ka helaya wadamada dariska ah.
SDN-Nairobi