|

“Ummadu uma baahna doolar jaban ee waxay u bahantahay raashin jaban” Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Qorshaynta Qaranka C.Kariin Axmed Mooge.

Hargaysa 27. January, 2016-(SDN/QJ) :–  Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Qorshaynta Qaranka C.Kariin Axmed Mooge ayaa si adag uga hadlay Isbedelka ku yimid Sarifka Dollarka oo inta badan lagu sarjari jiray Wax kasta oo Ganacsiga dalka la xidhiidha.

CABDIKARIIN-AXMED-MOOGECabdi Kariin Axmed Mooge ayaa Qoraal uu ku faafiyey degelka uu ku leeyahay barta xidhiidhka bulshada ee Facebook Wuxuu waxa laga Xumaado in Hoos u dhici dollarku aanu Sababin in Maceeshada daruuriga ahi Jabto.

Qoraalka Cabdikariin Axmed Mooge ayaa u dhignaa Sidan:- “Waxaan aad uga xumahay in bilihii ugu danbeeyay noloshu aad ugu adkaatey dadkeena saboolka ah, kadib sixir bararka oo halkii ugu saraysay gaadhay tariikhda Somaliland, waxaa la filayay xooga nanuuro ah ka dib markii doolarkii jabay lakiin taasi waxay noqotay ka dar oo dibi dhal waayo doolarki wuu jabay lakiin cuntooyinkii qiimahoodi waa halkoodi halka sonkorta oo ah ta ugu muddan ee dadkeenu isticimalaan ay qaali garowday oo halkii markii hore jawaanku ka ahaa $24 maanta ay suuqa ka joogto $29 jawaankii, ka dib dhawaaqa shacabka waxaan u kuur galay sabbabta sonkortu u qaali garowday waxaanan soo oggaadey in sonkorta lagu daray cunyooyinka aan darruuriga ahayn sidaa darteetna cashuurtii lagu kordhiyay taasina waxay keentay in qiimaha sonkortu aad kor ugu kaco.

Sonkortu waxaan aminsanahay in ay tahay ta ugu muhiimsan cuntooyinka ay ku nool yihiin dadka saboolka ahi waayo cuntada kowaad ee dadka reer Somaliland, waa shaah iyo loxoox, waana sabbabta loogu yeedho cuntada saboolka waayo reerka danyarta ahi waa cuntada ay cunaan sadexdooda wakhti hadii wax kale la waayo. Sidoo kale dhalinyarada bila camalka ahi markay wax kale wayaan waxay qutaan jab furin ah iyo koob shaah ah. Dhulka miyigana waxaa noolaga yaqaana shaaha shidaalka raga u sahla in ay reerka u ooddaan, u sahan tagaan waana waxa uu ka helo tamarta uu ubahanyahay si uga soo baxo hawsha adag ee miyiga taal.

Hadaba ninka masuul ummadeed sheeganaya ee sonkorta ku daray cunyooyinka aan darruuriga ahayn ee cashuurti ku kordhiyay miyaanu ka dhignayn nin aan waxba kala socon ummadan nolosheeda, adeer hadii gurigaaga lagaga quraacdo quraaco qaali ah oo aan loxooxi ku jirin sonkortuna noqotay mid aan laga aqoon gurigaaga!!! Anaga ku xasuusinaynee sonkortu waa ka mid cuntooyinka darruuriga ah. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya sonkortu waxay ku jirtaa cunyooyinka u mudan ee cashuurta laga dhaafay gabi ahaanba, sidaas darteet masuuliyiinta Somaliland waxaan ugu baqayaa in ay wax ka bartaan cunyooyinka saboolka sidoo kalena ay u damqadaan shacabkooda oo sonkorta, bariiska, daqiiqda iyo saliida hadii aan gabi ahaanba aan laga dhaafi Karin cashuurta aad looga dhimo halkii lagaga kordhin lahaa. Dadkana yaan layssugu darin shaqo la’aan iyo gaajo. Nimankan ganacsatada ahna waxaan ugu baqayaa madaama oo doolarkii aad u jabay waa in ay cuntaada jabiyaan oo dadkooda ay ka dhex tajireen u naxariistaan. Anaga sonkorta waxaan u naqaan cuntada saboolka waana darruuri ninkoow. Shacabku ha tooso weyaan

Comments are closed