“Umaanu Gelin Dagaalka inaanu Noqono dadka ugu Foosha xun, waxanuse is lahayn dee Haddii wax la Xadana wuxuun baydin xadi,Hadii…”Muj. Xasan Guure
Hargeysa:Oct,19,2014(SDN/QJ)-Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo kamid ahaa Saraakiisha Ururkii Somaliland xoreeyey ee SNM, ayaa ka Hadlay dhibaatada iyo darxumada Haysata Hadhaaga Ururkaas oo maanta ku dhibaataysan Gebi ahaanba dalka.
Mujaahidka oo shalay ka Hadlayey munaasibadda Xuska Shuhadada SNM oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay in loo baahan in daryeel degdeg ah la siiyo Hadhaaga Mujaahidiinta, isagoo xusay inaanay sida haatan loola dhaqmaa aanay ahayn abaalkii ay dalka iyo dadbakaba ku lahaayeen.
Waxa uu Mujaahidku wax laga xumaado ku tilmaamay inaan wali la haynin abaalkii mujaahidiinta, waxana uu sheegay inaan wali la haynin wixii mujaahidiintu usoo dagaallameen ee ay nafahooda usoo hureen,
“Markaan arko nin aan dagaalka geliyey oo aan gurigooda kasoo kaxeeyey oo ku naafoobay oo maanta inuu waalan yahay inuu miyirqabo aan la kala garanayn, umaanaan qaban dagaalkaas inaanu noqono dadka ugu quruxda Badan, sidoo kale dagaalka umaanu qaban inaanu Noqono dadka ugu Foosha xun, waxanuse is lahayn dee Haddii wax la Xadana wuxuun baydin xadi, Haddii wax hagaagsan la helona wuxuun baydin heli.”ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure.
Xasan Guure Jaamac waxa uu soo jeediyey in la sameeyo Goob lagu keydiyo taariikhdii Halganka si jiilasha dambe ay u dhaxlaan wax ay ku ogaadaan wixii dalka loo soo maray iyo Halgankii Nafhurka ahaa ee lasoo galay”Mujaahidka Haddii maanta la waayo waligeen helimayno, halla sameeyo meel madxaf ah oo lagu ururiyo taariikhda SNM, waana wax dunida ka jira oo umad waliba samaysato.”
Xasan Guure ayaa Haatan waxa uu Guddoomiye u yahay Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka oo u badan xubnihii ugu miisaanka Cuslaa saraakiishii SNM, waxana ay dibad wareeg ka Yihiin Talada Dalka iyo Hannaanka wax loo wado.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com