|

UK oo hakisay duulimaadyada diyaaradaheedu ku tegaan Sharm el-sheikh

London,5Nov,2015(QJ/SDN)-War ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska ee Downing Street ayaa lagu sheegay in diyaaradii laga lahaa Ruushka ee ku soo dhacday dalka Masar sababtii ay u soo dhacday ay ahayd waxyaalo qarax la xidhiidha.

Dhammaan duulimaadyada ka tagayay UK ee ku wajahnaa Sharmel-Shekh ayaa la joojiyay inta ay khubarada ammaanka Britain ay ka xaqiijinayaan ammaanka garoomaada diyaaradaha ee dalka Masar.

Number 10 ayaa shaaciyay in duulimaadyada loo hakiyay si feejignaan dheeri ah loo yeesho iyadoo warar faahfaahsana ay soo ifbaxayaan. Russian Airbus 321 ayaa sabtidii hore burburtay iyadoo ay ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa oo gaadhayay 224 ruux.

Khubaro ka soo jeeda dalka Britain ayaa durba u safray dalka Masar si ay qiimeyn u soo sameeyaan ammaanka garoomada diyaaradaha Masar soona eegaan iyadoo la filayo in qiimeyntooda goordhow ay soo gabagabeeyaan.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli uu Madaxweynaha dalka Masar Sisi uu booqasho ku joogo wadanka Ingiriiska uuna maanta oo khamiis ah la kulmayo ra’iisal wasaaraha Ingiriiska.

Warka ka soo baxay afhayeenka ra’iisal wasaare David Cameron ayaa u muuqda in ay tahay in dowlada Britain ay rumeysan tahay in diyaarada laga lahaa dalka Ruushka la soo ridey ama bam uu ku qarxay halka madaxweynaha dalka Masar uu rumeysan yahay diyaarada in cillad farsamo ay u soo dhacday.

Sidoo kale dowlada Britian ayaan aamin ku qabin ammaanka dalka Masar maadaama khubaro ka socda xukuumada oo dhinaca ammaanka qiimeyn loogu direy dalka Masar oo leh awood ciidan oo xoog leh.

Dadka qaar ayaa rumeysan in diyaaradii Metrojet oo ku sii jeeday magaalada St Petersburg in la saaray bam qarxay markii ay hawada gashay. Dowlada Ruushka ayaan weli go’aan kama dambeyn ah ka gaadhin sababta keentay in diyaarada ay soo dhacday.

Magaalada Sharm el-Sheikh ayaa ah magaalo kumanaan ruux ay u dalxiis tagaan iyadoo leh xeeb dalxiiska ku haboon waxaana lacago faro badan ka soo gala dowlada Masar.

Comments are closed