UK: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Weerar Ka Dhacay Badhtamaha London Shalay
London 23.March 2017 (SDN/QJ):- Labo Qof ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay badhtamaha Magaalada London, waxaana weerarkaa uu Booliiska Ingiriisku ku sheegay inuu mid fal argagixiso.
Gaadhi ayaa si ula kac ah loo jiidhsiiyay ugu yaraan 12 ruux oo marayay Biriijka Westminster ee agagaarka dhismaha baarlamaanka UK, kaasi oo markii dambe la xidhay.
Haweenay ayaa u dhimatay dhaawicii soo gaadhay weerarkaasi, halka uu sidoo kale Goobtaas ku Geeriyooday Askari taagnaa duleedka Dhismaha Baarlamaanka oo uu tooriyeeyay Qof ka soo degay Gaadhiga Dadka la jiidhsiiyey, kaasi oo markii dambe isaga Booliisku Toogasho ku dilay.
Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa la geeyay goob ammaan ah markii rasaas laga maqlay gudaha dhismaha Baarlamaanka, waxaana la hakiyey Shir ay lahaayeen Guddida Ammaanka oo ay Raysal-wasaaruhu Guddoomin lahayd.
Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xidho Xarunta laga raaco Tareennada ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.
Booliska magaalada London ayaa sheegay in weerarka baarlamaanka London ay ula macaamalayaan inuu yahay mid argagixiso ilaa iyo inta ay ka helayaan ‘war kaa ka duwan’, waxayna sheegeen in Ninka fuliyey uu u asal ahaan ka soo jeedo Dal Carbeed oo aanay sheegin.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya Xilli Dawladda UK Shalay uun soo saartay Amar ah in diyaaradaha Madaarrada UK imanaya ee ka tagaya Toban Dal oo ku yaalla Dalalka Afrika iyo Aasiya aan lala soo raaci karin Adeegyada yaryar ee dabku ka shaqeysiiyo, sida Koombiyuutarrada, maaddaama loo isticmaalo karo Qaraxyo laga geysto gudaha Ingiriiska.